Axad, 13 Maarso, 2011 (HOL) – Wiil uu dhalay Allaha u naxariistee jilaagii C/llaahi Amiir Rooble (Aw-kuukuu) ayaa xalay lagu dilay xaafadda ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bastoolado.
“Wiilkeyga waxaa lagu magacaabi jiray Abshir, waxaana dilay dhalliyaro xaafadda la daggan oo uu dhexmaray muran ku saabsan koronto gelin,” ayay tiri Nuurto Saleebaan oo ah hooyada dhashay Abshir iyadoo intaas ku dartay in wiilkeeda uu ahaa farsamo yaqaan koronto ayna xalay fiidkii murmeen dhallinyaro xaafadda la daggan oo iyaguna ka shaqeeya korontada.
“Guriga ayaa xalay 2:00 habeenimo loogu dhacay waxaana lagu dilay bastoolad,” ayay Nuur hadlkeeda daba dhigtay iyadoo xustay inuu yahay wiilkii labaad oo looga dilo magaalada Muqdisho tan iyo sannadkii hore.
Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore ku toogtay wiil uu dhalay marxuum Aw-kuukuu oo lagu magacabi jiray Axmed afaafka hore ee ex-fiyoore oo uu marayay, lamana yaqaan sababta keentay inuu dilo.
C/llaahi Amiir Aw-kuukuu oo ka mid ahaa jilayaasha Soomaaliya ee aadka loo jecel yahay ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kaddib markii uu lasoo darsay xanuun, isagoo ka mid noqday fannaaniin iyo jilayaal ka tirsanaa hobollada waaberi oo aan ka bixin dalka kuna geeriyooday.
Fannaaniinta ku geeriyooday magaalada Muqdisho tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah: Axmed Nuur Jaangow, Xuseen Ow-Faarax Dubbad, Xasan Diriiye Faarax, Muuse Ismaaciil Qalinle, C/qaadir Sheekh Cali (Sanka), C/llaahi Aw-kuukuu, Kuusow Kurtun-waarey iyo kuwo kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya