Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Dowladda Burundi oo qayb ka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ciidammo dheeraad ah oo gaaraya 1,000 askari ku biirisay ciidamada kaga sugan Muqdisho, taasoo tirada ciidamadeeda gaarsiinaysa 4,400-askari.
"Waxaan Muqdisho geynay 1,000-askari oo dheeraad ah laba maalmood ka hor," ayuu yiri L-Col. Jastace Ciza oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Burundi oo khadka taleefoonka ugu warramayay wakaaladda wararka Reuters isagoo ku sugan Bujumbura.
"Ciidamadaas waxaan u dirnay si ay u xoojiyaan ciidamadeena ku sugan Muqdisho," ayuu sakaalku hadalkiisa sii raaciyay, isagoo sheegay in ciidamadan ay qayb ka qaadanayaan dagaallada ka socda Muqdisho.
Dagaallo ka curtay Muqdisho dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ayaa lagu dilay 43-askari oo ka ka mid ah ciidamada Burundi, iyadoo Xarrakatul Shabaab ay soo bandhitay maydadka shan askari iyo askari kale oo nool kaasoo maxbuus ahaan ay ku qabsadeen.
Ciidamada Burundi oo gacan siinayay kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa dagaalkaas ku qabsaday sadex saldhig oo muhiim u ahaa Xarrakatul Shabaab, kuwaas oo ay ka mid tahay wasaaraddii hore ee gaashaandhigga oo ku taalla jidka warshadaha.
Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa tan iyo sannadkii hore waxay dadaal xooggan ugu jireen sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen degmooyinka Muqdisho ee ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, inkastoo aanay weli taasi u suurogelin.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho oo tiradoodu ahayd 8,000-askari ayay ciidamadan cusub ee ka yimid dalka Burundi waxay ka dhigayaan 9,000-askari, iyadoo horay loo codsaday in la gaarsiiyo 12,000-askari.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya