Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2011
Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in lasii daayo ajaanibta Denmark ee lagu haysto Puntland

Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) Xildhibaan Axmed Ugaas oo ka mid ah mudanayaasha barlamanka Soomaaliya ayaa ku baaqay isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho in xoriyadooda la siiyo ajaanibta u dhashay dalka Denmark ee ku afduuban xeebaha Puntland.

"Dadka Denmark abaal wayn ayey ku leeyihiin Soomaalida sidaa darteed waxaa loo baahanyahay in laga qayb qaato sidii loo soo dayn lahaa ajaanibtan"ayuu yiri xildhibaanka oo BBC-da saaka la hadlay.

Waxaa kaloo uu sheegay mudanhan in aysan haboonayn in xoog lagu soo furto ,balse wada hadal arinta lagu dayo, isagoo Puntland uga mahad celiyay dadaalkii ay sameeyeen.

"Dadaalka Puntland waan uga mahad-celinaynaa,mana haboona in qori lagu taago burcad badeeda oo ay ka suurtowdo in ay dilaan"ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale xildhibaan Axmed Ugaas ayaa sheegay in wax garad dowlada KMG ah ka tirsan ay ka wada hadleen sidii kaalin muuqata looga qaadan lahaa in xoriyadooda ay dib u helaan ajaanibtan u dhashay Denmark.

"Waxaa la oran karaa markii Somaliya aan ka qaxnay waxaa dowlada Denmark ay na siisay dawooyin iyo guryo aan ku nasano sidaa darteed waa muhiim inaan ka jawaabno arinta dhacday"ayaa hadaladiisa ka mid ahaa.

Qoyska u dhashay dalka Denmark ayaa laga soo afduubtay badwaynta Hindiya ,waxaana iminka ay ku afduubanyihiin halka lagu magacaabo Hul-caanood oo ka tirsan degmada Bandar -Bayla ee Puntland.

Ugu danbayntii waxaa iso soo taraya baaqyada loo jeedinayo Puntland ee la xiriirta inaan xoog lagu soo furan ajaanibtan oo sababi karta in la qaarijiyo sidii la yeelay muwaadiniintii maraykanka ahaa.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Boston@hiiraan.com
Boosaaso, Soomaaliya





Post your comments

3/13/2011 6:30 PM EST
Axad, March 13, 2011(HOL): Dad badan oo Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa dalalka Yemen iyo Liibiya ayaa dalalkaas ay qaxootinimada ku joogeen waxaa ku qabsaday dagaallo u dhaxeeya dowladaha wadamadaas ka taliyaha iyo dad ka soo horjeeda.

3/13/2011 6:10 PM EST
Axad, March 13, 2011(HOL): Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay badhtamaha magaalada Minneapolis. Ujeeddada xafladan ayaa ku saabsanayd ardayda Quraanka ku barata masaajidka Abuubakar Sadiiq oo loo sameeyey xaflad qalin-jabin ah.

3/13/2011 9:36 AM EST
Axad, 13 Maarso, 2011 (HOL) – Burcadbadeedda Soomaalida ayaa lagu wadaa inay sii daayaan maanta oo Isniin ah ama berri oo Tallaado ah 26-badmaaxe oo u dhashay dalka Bangaladesh, kuwaasoo lagu afduubay markab lagu magacaabo MV Jahan Moni oo laga soo afduubay meel ku xeebaha dalka Hindiya muddo saddex bilood laga joogo.

3/13/2011 8:40 AM EST
Axad, 13 Maarso, 2011 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Max’ed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka codsaday xukuumadda Washington inay ka taageerto xukuumaddiisa dhismaha ciidamada si ay amaanka guud ee dalka dib ugu soo cleinayaan.

3/13/2011 8:39 AM EST
Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa lagu dilay shan qof oo kalena waa lagu dhaawacay dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhagaalamay inta u dhexeysa isgoysyada KM-4 iyo isgoyska Taleex ee jidka Maka Al-Mukarama oo ah midka ugu mashquulka badan goobaha ay dowladdu ka taliso.

3/13/2011 8:16 AM EST
Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Shan ruux ayaa ku geeriyootay shil gaari oo xalay ka dhacay halka lagu magacaabo Sheerbi oo ka tirsan degmada Waaciye ee gobolka Kar-kaar.

3/13/2011 8:11 AM EST
Axad, 13 Maarso, 2011 (HOL) – Barakacayaal muwaawinooyin kala duwan loogu qaybiyay degmooyinka Dharkeynley iyo Wadajir ayaa waxaa ka dhac u geystay dad ku hubeysan midiyo iyo ulo sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii mucaawinada laga dhacay oo saxaafadda la hadlay.

3/13/2011 8:09 AM EST
Axad, 13 Maarso, 2011 (HOL) – Wiil uu dhalay Allaha u naxariistee jilaagii C/llaahi Amiir Rooble (Aw-kuukuu) ayaa xalay lagu dilay xaafadda ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bastoolado.

3/13/2011 3:31 AM EST
Maarso 13, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobollada Bay iyo Bakool ayaa taageeray dagallada ka socda magaalada Muqdisho ee ay kula jiraan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya, iyadoo mas'uulka walaayooyinkaas uu sheegay inay dabagal ku hayaan jajuusiin u sheegay inay u adeegaan dowladda Soomaaliya.

3/13/2011 3:16 AM EST
Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Guddiga gurmadka abaaraha ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa deeq ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka shalay ka qaybiyay magaalada Muqdisho iyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada hoose, iyadoo dadkii la siiyayna ay ku jireen dad naafo ah oo lixaadku ka kala dhiman yahay.

3/13/2011 1:57 AM EST
Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Dowladda Burundi oo qayb ka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ciidammo dheeraad ah oo gaaraya 1,000 askari ku biirisay ciidamada kaga sugan Muqdisho, taasoo tirada ciidamadeeda gaarsiinaysa 4,400-askari.