4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Dibadbax lagu taageerayo Dagaallada ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Kismaayo (SAWIRRO)


Sabti, March 12, 2011(HOL): Dibadbax aad u ballaaran oo uu soo qabanqaabiyay maamulka xarakada Alshabaab islamarkaasina lagu taageerayay dagaalada ay xarakada Alshabaab kula jirto Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Ururka Ahlusunna iyo Ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Dibadbaxani ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xarrakada Shabaabul Mujaahidiin, ganacsato iyo odoyaal dhaqameedyo caan ka ah gobollada Jubbooyinka, waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay Sheekh Max’ed Dulyaddeyn oo isagu ah masuul ka tirsan xarrakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana uu halkaasi ka jeediyay khudbad guubaabin ah oo uu shacabka ku dhaqan Jubbooyinka ku boorrinayay in ay ka qeybqaataan dagaallada looga soo horjeedo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo xoogagga AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Waxaa maanta gebi ahaanba xirnaa goobaha ganacsiga, waxbarshada iyo guud ahaanba dhaqdhaqaaqii bulshada, iyadoo lagu arkayay saaka aroortii boqollaal dadweeyne ah oo sita boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan sida ay u arkaan dagaallada ka socda Dalka Soomaaliya.

 


Sheekh Abuukar Cali Aadan,Gudoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee Xarrakada Alshabaab oo isna halkaasi ka jeediyay khudbad dheer ayaa waxa uu eedeyn dusha kaga tuuray dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo uu ku eedeeyay in ay hurinayaan colaadda ka jirta Soomaaliya, isagoona sidoo kale ku boorriyay shacabka ku dhaqan gobollada Jubbooyinka in ay gacmaha is-qabsadaan isla markaasina si wadajir ah uga hortagaan abaabullada ciidan ee ay dowladda KMG ah ka waddo xadka ay Kenya Soomaaliya kala wadaagto dhanka gobollada Jubbooyinka.

 

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali, Odoyaal dhaqameediyo, Abwaanno Ganacsato iyo Macalimiin kuwaasi oo dhamantoodba siyaabo kala duwan uga hadlay sidii loo taageeri lahaa isla markaasina looga qeybqaadan lahaa dagaallada looga soo horjeedo Dowladda KMG ah, Amisom iyo Ururka Ahlusunna.







 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]

Kismaayo, Soomaaliya