4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Dagaal ka dhacay Deegaanno ka tirsan Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud


Sabti, March 12, 2011(HOL): Ugu yaraan 21 ruux ayaa ku dhintay, tiro kale oo intaas ka badanna wey ku dhaacmeen dagaal maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.

 

Dagaalka oo u dhaxeeyay Xoogag kala taabacsan Alhu Sunna Waljamaaca iyo Xarakada Al-Shabaab ayaa wuxuu salka ku hayay gacan-ku-heynta deegaannada uu dagaalka ka dhacay.

 

Dagaalka dhimashada badan ay ka dhalatay ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka God-Dhurwaa, wuxuuna dagaalkaas qarxay kaddib markii xoogagga Al-Sunna ay weerareen fariisin ay halkaas Xoogagga Shabaab ku lahaayeen.

 

Dagaal kale oo ka dhacay deegaanka Ceel-la-helay ayaaney ka dhalan khasaare dhinacyada dagaallamay kala gaaray, waxayna dhinacyada dagaallamay weli isku horfadhiyaan meel aan isu dheereyn oo ka tirsan deegaannada ay gacan-ku-heyntooda ku dagaallamayaan.

 

Xoogagga Ahlu Sunna iyo Xarakada Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxay ku dagaallameen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, wuxuuna gobolkani yahay halka ay dhacdo khasaaraha ugu badan ee ay labada dhinac isu geystaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]