4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Shirkii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmaya

Sabti, March 12, 2011(HOL): Shirkii Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa lagu wadaa in uu ka furmo magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho maalinta Isniinta ah ee foodda inagu soo heysa. Shirkan oo ah mid aad muhiim u ah ayaa waxaa ka qeygalaya ergooyin faro badan oo kala kala yimid gobollada dalka Soomaaliya.

 

Ururka NUSOJ oo ay xubno ka yihiin 486 xubnood oo shirkiisa seddexdii sano mar la qabto ayaa waxaa uu ka dhici doonaa Hotelka Caalimiga ah ee Saxafi ee magaalada Muqdisho halkaas oo la rajeynaayo in ergooyinka matalaya xubnha ku bahoobay ururka in ay ku falanqeeyaan waxqabadkii ururka ee sedaxdii sano ee lasoo dhaafay, dhibaatada heysata suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo in la doorto hoggaankii ururka ee mudada sedxadda sano ee soo socota.

 

Shirkan ayaa ah mid leh ahmiyad gaar ah maadama lagu qabanayo xarunta ururka oo ah magaalada Muqdisho iyadoo sharciyan ay tahay in shirku lagu qabto xarunta ururka sida uu qabo xeerka ururka NUSOJ.

 

Shirkan ayaa waxaa ka taageeraya qabsoomidiisa Ururka NUSOJ urur weynaha saxafiyiinta adduunka ee loo yaqaano IFJ. NUSOJ ayaa ah ururka kaliya ee gudaha dalka iyo aduunka u aqoonsan yahay in uu matalo suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa kaga sugan.

 

Masuuliyiinta ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay soo bandhigaan waxqabadka ururka mudadii la soo dhaafay iyadoo waxqabadka ururka uu yahay mid si weyn ay uga wada dharagsanyihiin saxafiyiinta Soomaaliyeed & guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee daneeya arimaha saxafaada Soomaaliya.

 

Xamaasada shirka ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimada ah iyadoo dhamaan qalabka warbaahinta ay ka hadlayaan shirka ururka qaranka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

 

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo la hadlaayay SBC ayaa shaaca ka qaaday in shirka uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Isniinta ah, ayna dhamaan ergooyinkii shirka ka qeyb qaadan lahaa dhamaantood soo wada gaareen magaalada Muqdisho.

 

Isha Warka: SBC