4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Guddoomiyihii Gobolka Sool oo dhaawacmay

Sabti, 12 March 2011 (HOL)- Guddoomiyiha Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye   ayaa dhaawac soo gaadhay, kaddib markii uu galabta gaadhigisii kula gaddoomay degamada Qoryaale oo u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood.

 

Guddoomiyaha oo ka soo kicitimay magaalada Laascaanood, ayaa Gaadhigii uu watay oo ay saarnaayeen afar qof oo kale uu kula gaddoomay agagaarka Degmada Qoryaale ee u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood. Guddoomiyaha oo dhaawaciisa la keenay Cusbatalka Burco, ayaa mar aan Khadka Telefoonka kula xidhiidhay, wuxuu ii sheegay in uu nabad-qabo, marka laga reebo dhaawac fudud oo soo gaadhay isaga iyo dadkii kale ee gaadhiga la saarnaaba, isla markaana lagu dawaynayo cusbatalka guud.

 

Shilalka gaadiidka ee gadoomida Baabuurta ka dhex shaqeeya gobolda Somaliland ayaa inta badan ayay sabab u tahay wadyaasha gawadhida oo si xad dhaaf ah u kaxeeya gaadiidkaasi iyo wadooyinka ay ka jiraan dayac xoogani.

 

Sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2010 ayaa ahaa mid ay ka dhaceen Guud ahanba Somaliland shilal xad dhaafa oo intooda badani ka dhaceen wadada isku xidha magaalooyina Burco iyo Hargaysa.

 

Niciima Cabdi Axmed    Hiiraan Online

[email protected]

Burco, Somaliland