4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa oo isaga baxay Dhuusa-mareeb, dibna ugu laabtay degmada Balanbal

Sabti, 12, 2011(HOL) Wararka laga hellayo degmada Dhuusa-mareeb ee goballka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamadii Itoobiyaanka ee halkaa dhawaan gaaray dib uga laabteen, iyaga oo sida wararku sheegayaan hadda gaaray degmada Balanbal ee isla goballkaas.

 

Ciidamadan oo fariisimo ku lahaa degmada Dhuusa-mareeb gaar ahaan xerada 21-aad ayaan ilaa hadda la ogeyn sababta ay halkaa uga baxeen, iyada oo maalmihii aynu soo dhaafnay ay halkaa ka jireen dhaqdhaqaaqyo ay wadeen ciidamada Itoobiya iyo waliba kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

 

Inkastoo ay dib uga laabteen degmada Dhuusa-mareeb ee goballka Galgaduud ciidamadii Itoobiya ee dhawaan fariisimaha ka sameytay, ayeey haddan wararku sheegayaan in dhamaan agaggii ay baneeyeen ciidamada Itoobiya buuxiyeen xoogaggii dhawaan lagu soo tababaray gudaha dalka Itoobiya ee ka tirsnaa Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.

 

Dib uga laabashada ciidamada Itoobiya degmada Dhuusa-mareeb ee goballka Galgaduud ayaa ku soo beegmaysa xili dhaq dhaqaaqyo ciidan oo siweyn loo dareemay Todobaadyadii aynu soo dhaafnay ay ka jireen qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya kuwaasoo u dhaxeeyay xoogagga xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo waliba kuwa Ahlu Sunna oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]