4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Guddiga gurmadka Abaaraha maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Shabeellada hoose oo gargaar qaybiyay

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) Guddiga gumadka abaaraha maamulka Xarrakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ee gobolka Shabeellada hoose ayaa maanta u qaybiyay 500-qoys oo ku nool gobolkaas gargaar kala duwan.

"Maanta waxaan joognaa deegaanka Daamaay gaar ahaa tuulada Riigada, waxaana u qaybinnay 500-qoys oo ku nool gargaar raashin ah oo kala duwan, innagoo qoys walba siinnay 40 oo koombo oo galley ah, 13 koombo oo digir ah, 7.5 kiilo oo bur ah iyo saddex liitar oo saliid caddey ah," ayuu yiri guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab Inj. Xuseen Xaaji Cabdi.

Sidoo kale, Inj. Xuseen Xaaji wuxuu sheegay inay horay ugu soo qaybinayeen 10 tuulo oo ka tirsan gobolka gargaar kala duwan, isagoo xusay inay qorsheynayaan in tuulooyin kale oo ay ku nool yihiin dad ay abaaruhu saameeyeen ay gargaarkan oo kale ka qaybin doonaan.

Xarrakada Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay billowdeen abaaraha Soomaaliya waxay gobollada koonfureed, kuwa dhexe iyo Muqdisho oo ay ka taliyaan ay ka billaabeen howlo ay ku kaalmeynayaan dadka ay waxyeellada xooggan u geysteen abaaraha ku dhuftay dalka.

Gobollada Koonfureed ayay Xarrakadu ka qaybisay gargaar isugu jiray raashin, biyo iyo dawooyin, iyadoo deegaanno aad u fog oo ay ka jirtay biyo la'aan xooggan tan iyo xilligaas ku gaarsiinayay biyo ay dadka iyo xooluhu cabaan booyado fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya