4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Wasiir ka tirsan Xukuumadda KMG ah oo sheegay in Ahlusunna Waljmaaca ay qayb ka tahay dowladda Soomaaliya

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) Ra'iisul wasaare ku xigeenka DKMG ah aha wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ururka Ahlusunna Waljamaaca ay qayb ka yihiin dowladda Soomaaliya, ayna xubno muhiim ah ku leeyihiin xukuumadda.

"Ahlusunna waa qayb ka mid ah dowladda Soomaaliya, waayo waxay ka mid yihiin taliyayaasha ciidamada iyo wasiirrada xukuumadda," ayuu yiri ra'iisul wasaare ku xigeenka oo la hadlayay idaacadda BBC-da isagoo ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada Ahlusunna ay ka mid yihiin kuwa dowladda, ayna awood badan ku leeyihiin bartamaha dalka Soomaaliya, isagoo xusay inuu weli taagan yahay heshiiskii ay wada-galeen dowladda KMG iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa bishii Maarso ee sannadkii 2010 waxay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ahaa mid ay awoodda ku qaybsanayeen. Balse mas'uuliyiinta Ahlusunna ayaa dhammaadkii sannadkii hore sheegay inay ka baxeen heshiiskaas maadaama la fulin waayay qaybo badan oo ka mid ahaa.

Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa abuurmay sannadkii 2008, xilligaas oo ay Xarrakatul Shabaab billaabeen inay burburiyaan qabriyada ay ku aasan yihiin mashaa'ikhda ay diinta kasoo gaareen culimada Ahlusunna, iyadoo dagaalkii ugu dambeeyay oo khasaare badan dhaliyayna uu dhacay Jimcihii shalay ahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya