4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Cudurka Daacuun Caloolaha oo Magaalada Muqdisho ku dilay labaatan qof oo u badan caruur

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) Ugu yaraan 20-qof oo u badan caruur ayaa u dhintay cudurka daacuun caloolaha oo ka dillaacay magaalada Muqdisho, sida ay maanta oo Sabti ah saxaafadda u sheegay agaasimaha isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho Dr. Luul Maxamed Maxamuud.

"Isbitaalka waxaa la keenay toddobadkii lasoo dhaafay oo keliya 150 ruux oo qaba cudurka daacuun caloolaha, isbitaalkuna awood uma lahan inuu dadkaas oo dhan u helo dawooyin ku filan," ayay tiri Dr Luul, oo sheegtay in sidoo kale aysan haysan qalab ku filan iyo mushaar ay siiyaan shaqaalaha.

Dr Luul, waxay xustay in dadka qaba cudurka daacuunka ay u badan yihiin caruur, kuwaasoo intooda badan kasoo jeeda dadka barakac ahaanta ugu nool kaamamka magaalada Muqdisho ku yaalla.

"Qaar ka mid ah carruurta cudurkan uu ku dhacay qoysaskoodu waxay kusoo barakaceen dagaalladii culsaa ee ay dhawaan dowladda iyo AMISOM ku qaadeen degmooyin ka tirsan Muqdisho," ayay tiri agaasimaha isbitaalka Banaadir.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Cismaan Libaax ayaa sheegay in wasaaradda aysan wax war ah u hayn cudurka daacuunka ee ka dilaacay Muqdisho, balse ay baaritaan ku sameynayaan.

Dalka Soomaaliya ayaa cudurka daacuunku wuxuu ka dilaacaan xilliyada kuleylaha lagu jiro, isagoo gobollada dalka iyo Muqdisho ku dilay dad badan sannadihii lasoo dhaafay kaddib markii ay cabeen biyo wasaqeysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya