4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Xildhibaanad sheegtay in tirada baarlamaanka Soomaaliya lagu xaqiray oo haweenka aan lasii tiradii loo qoondeeyay

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) Guddoomiyaha guddiga haweenka baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanad Faadumo C/llaahi Maxamed ayaa shir jaraa'id oo ay maanta ku qabtay Muqdisho ku sheegay in haweenku laghu xaqiray tiradii ay ku lahaayeen baarlamaanka Soomaaliya.

"Dastuurkeenu wuxuu noo ogol yahay inaan ka ahaanno xubnaha baarlmaanka 12%, balse waaxan hadda ku joognaa 6% wax ka yar, waxaana ka codsanaynaa DKMG in naloo buuxiyo tiradii horay naloogu qoondeeyay, haddiiba aanan noqonayn 50% maadamaa aan ragga ka badannahay," ayay tiri Faadumo C/llaahi.

Xildhibaannadu waxay sheegtay inay baarlamaanka horgeysatay 37 haween oo ka mid noqonaya baaramaanka si ay u buuxsanto tiradooda rasmig ah, balse ay guddoonka sare ee baarlamaanku ay ka meermeerayaan meel-marinta arrintan.

"Mudanayaasha baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in fadhiga ugu horreeya looga hadlo xaqiraadda lagu sameeyay haweenka Soomaaliyeed, ayna u doodaan sidii hay'adaha dowladda oo dhan uga noqon lahaayeen 12% oo ahayd tiradii hore ee loo qoondeeyay," ayay hadalkeeda raacisay xildhibaannadu.

Haweenka ayaa tan iyo markii lasoo dhisay baarlamaanka Soomaaliya waxay dood ka qabeen tirada ugu jirta baarlamaanka, iyadoo tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay codsadaan in tiradii horay loogu qoondeeyay la gaarsiiyo xubnaha haweenka ah ee baarlamaanka ku jira.

Ugu dambeyn, xidhibaanad Faadumo C/llaahi waxay sheegtay in marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan lagu wado inay dhacaan doorashooyinka xukuumad cusub oo dalka hoggaamisa, sidaa daraadeedna ay u baahan yihiin in loo dhameystiro tirada ay ku leeyihiin baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya