3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Hay'adda Midowga Dhallinyarada oo siminnaar ugu qabtay Muqdisho odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) Hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliyed (UYS) ayaa maanta siminnaar ugu qabatay magaalada Muqdisho odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasoo ku saabsanaa kaalinta odayaasha dhaqanku ay ka qaadan karaan ka wacyi-gelinta dhallinyarada inay dagaallada ka qaybqaataan iyo nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Siminnaarkan oo ka dhacay Hotel Saxafi ayaa waxaa loo qabtay in ka badan boqol oday oo ka kala socday qaybaha bulshada, waxaana ka qaybgalay xildhibaanno ka socday baarlamaanka iyo saraakiil ka socotay maamulka gobolka Banaadir.

Xildhibaan Maxamuud Geeddi Ow-Hilowle oo ugu horreyn siminaarka furay ayaa u mahad-celiyay hay'adda UYS kaalinta ay ku lahayd isku-keenida odayaasha dhaqanka ee ku wajahan xalka dalka, isagoo bogaadiyay faa'iidada barmaajiyadan oo kale ugu jira bulshada.


Xildhibaanku wuxuu sheegay in dhallinyarada ay xaabo u noqdeen dabka lagu shidayo dagaallada Soomaaliya, isagoo caddeeyay in dhallinyaradu marka hore fikir ahaan la qalday.

"Marka hore waa in dhallinyarada laga soo-celiyo jidka ay ku socdaan," ayuu yiri xildhibaan Maxamuud Geeddi oo intaas ku daray in dhallinyarada ay taas badalkeed noqdaan kuwo horumarka iyo nabadda dalka ka shaqeeya.

Xildhibaan Ow-Hillowle ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dabeylo isbedello ah oo ka socda gobollada dalka iyo caasimadda, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihiin kuwo ay dowladdu ku doonayso inay dalka oo dhan kula wareegto.

Sidoo kale Xildhibaan Prof. Maxamed Xuseen Ilka-Dahab ayaa isna sheegay in muhiimada looga baahan yahay waalidiinta ay horseed ka tahay in carruurta ku hagaan waddada toosan, isagoo xusay in carruurta ay waxqabasho leeyihiin toddoba sano wixii ka horeeyo.

"Sidaa la socotaan xilligan aabayaasha iyo hooyooyinka xiriir wanaagsan ma lahan, taasoo keentay in wiilka aan laga warqabin, isla markaana aan la koontaroolin, waxaa dhacda in marka uu iskuulka aadayo inta meelo kale aado ay noqoto in meelahaas laga wato," ayuu yiri xildhibaanka oo soo jeediyay in waalidiinta ay caruurtooda fiiro gaar ah la yeeshaan.


Nabaddoon Iimaan Khaliif Rooble oo isna ka hadlay madasha ayaa sheegay in waxa laga hadlayo ay yihiin dhaqanka Soomaaliyeed sidii nabadda iyo dib u heshiisiinta loogu dabbaqi lahaa, inkastoo uu tilmaamay in hadda dhaqanka uu noqday mid kala qaybsamay, wuxuuna tilmaamay in odayaasha dhaqanka ay noqdeen kuwo fikir ahaan aad u kala fog.

Xasan Cilmi Yaxye ayaa isna tibaaxay in arrintan aanay ahayn siyaasad, balse ay tahay dhaqan iyo dib u heshiisiin, isagoo caddeeyay in dhaqanka ku sugan Koofurta ay siyaasadi kala qoqobtay.

Sidoo kale Yaxye, wuxuu sheegay in wiil uu waalid u yahay oo 13-sano jir ah la weysan yahay maalinkii afaraad, isagoo sheegay inay uga baqdin qabaan inuu ka qaybgalo dagaallada socda, wuxuuna ugu baaqay in odayaasha iyo haweenka ay yeeshaan wadashaqeyn ku aaddan wacyi-gelinta carruurtooda, si looga fogaado dhibaato hor leh oo ay horseed u noqdaan carruurta.

Ugu dambeyn, siminnaarka ayaa waxaa soo xiray Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar Ganey) oo xusay in isu-keenidda odayaasha dhaqanka laga faa'iiday ujeeddooyin muhiim ah, isagoo tibaaxay in dadka waxgalka u ah bulshada ay qayb ka qaadan karaan nabad-dhalinta iyo dib-u-heshiisiinta dalka.


Abuukar Ganey ayaa uga mahad-celiyay hay'adda UYS inay qaaday tallaabo muhiim ah oo sare loogu qaaday dhaqanka, wuxuuna xusay in markii afaraad oo uu kasoo qaybgalo siminaarkan oo kale oo la isku weydaarsaday fikirado kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, siminnaarkan ay hay'adda UYS qabtay ayaa qayb ka siminnaarro ay sare ugu qaadeysay bulshada qaybaheeda kala duwan, sida odayaasha dhaqanka haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kaasoo isu keeniddooda ay tahay mid waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/12/2011 3:57 PM EST
Sabti, March 12, 2011(HOL): Dibadbax aad u ballaaran oo uu soo qabanqaabiyay maamulka xarakada Alshabaab isla markaasina lagu taageerayay dagaallada ay xarrakada Al-shabaab kula jirto Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Ururka Ahlusunna iyo ...

3/12/2011 2:22 PM EST
Sabti, March 12, 2011(HOL): Ugu yaraan 21 ruux ayaa ku dhintay, tiro kale oo intaas ka badanna wey ku dhaacmeen dagaal maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan Degmada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud.

3/12/2011 1:46 PM EST
Sabti, March 12, 2011(HOL): Shirkii Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa lagu wadaa in uu ka furmo magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho maalinta Isniinta ah ee foodda inagu soo heysa. Shirkan oo ah mid aad muhiim u ah ayaa waxaa ka qeygalaya ergooyin faro badan oo kala kala yimid gobollada dalka Soomaaliya.

3/12/2011 11:10 AM EST
Sabti, 12 March 2011 (HOL)- Guddoomiyiha Gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye ayaa dhaawac soo gaadhay, kaddib markii uu galabta gaadhigisii kula gaddoomay degamada Qoryaale oo u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood.

3/12/2011 10:29 AM EST
Sabti, 12, 2011(HOL) Wararka laga hellayo degmada Dhuusa-mareeb ee goballka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamadii Itoobiyaanka ee halkaa dhawaan gaaray dib uga laabteen, iyaga oo sida wararku sheegayaan hadda gaaray degmada Balanbal ee isla goballkaas.

3/12/2011 8:38 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Xisbi lagu magacaabo Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Soomaaliyeed (SPDU) Somali Peace and Democratic Union ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana xisbigaas guddomiye ka ah C/llaahi Sheekh Xasan Cali, isagoo sheegay in xisbigoodu uu mid mucaarad ah oo aan hubeysnayn.

3/12/2011 8:37 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Guddiga gumadka abaaraha maamulka Xarrakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ee gobolka Shabeellada hoose ayaa maanta u qaybiyay 500-qoys oo ku nool gobolkaas gargaar kala duwan.

3/12/2011 7:44 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaare ku xigeenka DKMG ah aha wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ururka Ahlusunna Waljamaaca ay qayb ka yihiin dowladda Soomaaliya, ayna xubno muhiim ah ku leeyihiin xukuumadda.

3/12/2011 7:42 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 20-qof oo u badan caruur ayaa u dhintay cudurka daacuun caloolaha oo ka dillaacay magaalada Muqdisho, sida ay maanta oo Sabti ah saxaafadda u sheegay agaasimaha isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho Dr. Luul Maxamed Maxamuud.

3/12/2011 7:15 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha guddiga haweenka baarlamaanka Soomaaliya xildhibaanad Faadumo C/llaahi Maxamed ayaa shir jaraa'id oo ay maanta ku qabtay Muqdisho ku sheegay in haweenku laghu xaqiray tiradii ay ku lahaayeen baarlamaanka Soomaaliya.

3/12/2011 6:34 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Wafdi heer caalami ah oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ,iyaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

3/12/2011 6:33 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cali Maxamed Cali ayaa la xidhay, ka dib markii ay Ciidamada Boolisku uga yeedheen xarunta dembi-baadhista, waxaanu Agaasimuhu xadhiggiisa ku eedeeyay Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

3/12/2011 6:32 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Abaarta ka jirta Gobolka Togdheer ayaa marba marka ka danbaysa sii xumaanaysa, iyadoo gaadhay meel daran, gaar ahaan Deegaamada Hawdka, Bariga iyo Woqooyiga Gobolka Togdheer.

3/12/2011 1:07 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaal iyo duqeymo saakay Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyadoo ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale.

3/12/2011 1:06 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay inay xalay madaafiic ku duqeysay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo laba todobaad ka hor ay dagaal uga qabsadeen ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ahlusunna oo gacan ka helaya ciidammo Itoobiyaan ah.

3/12/2011 1:05 AM EST
Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Burcadbadeedda Soomaaliyeed ee afduubka ku haysta qoyska u dhashay dalka Denmark ayaa shalay oo Jimco ahayd ku hanjabay inay dili doonaan haddii mar kale la isku-dayo in xoog looga furto.