4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Madax ka tirsan Puntland oo maanta u dhoofay Nairobi

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) Wafdi heer caalami ah oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ,iyaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Madaxda u dhooftay Kenya waxaa ka mid ahaa wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ,wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ,wasiiru dowlaha qorshaynta iyo madax kale oo ka socontay xafiiska syaasada ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay Puntland.

Masuuliyiintan ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ay ka ga qayb galaan shirar looga hadlayo arimaha Soomaaliya,iyadoo sidoo kale ay la kulmi doonaan qaar ka mid ah hay'adaha deeqaha bixiya ee QM.

"Waxaan halka kula kulmi doonaa madax beesha caalamka ka tirsan, annaga oo ku rajo wayn in ujoodooyinkeenu ay noqon doonaan kuwa hirgala," ayuu yiri wasiirka Qorshaynta Daa’uud Maxamed oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka arimaha gudaha oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland u dadaal ugu jiro sidii looga taageeri lahaa dhinacyo badan oo xaga shaqada ah.

Warar laga helayo ilo ku dhow-dhow madaxdan maanta ka dhoofay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in magaalada Nairobi ay isku arki doonaan madax ka tirsan dowlada Denmark oo ay iska waraysan doonaan arimo ku saabsan ajaanibta lagu haysto xeebta Bandar-Bayla.

Maamulka Puntland ayaa wada qorshe dowlada looga taageerayo sidii gobolka looga hirgalin lahaa maxkmada qaada danbiyada kooxaha burcad-badeeda Soomaaliyeed oo si aad ah ugu xoogan xeebaha Puntland,inkastoo qorshahaasi ay horay u soo bandhigeen madax ka tirsan beesha caalamka.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya