4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo la xidhay iyo Taliyaha Booliska oo ka hadlay xadhiggiisa

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cali Maxamed Cali ayaa la xidhay, ka dib markii ay Ciidamada Boolisku uga yeedheen xarunta dembi-baadhista, waxaanu Agaasimuhu xadhiggiisa ku eedeeyay Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.

Agaasimaha guud oo xalay shir-jaraaíd ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in habeen hore ay Ciidamada dembi-baadhistu kala soo hadleen xaruntooda, isla markaana ay ka dalbadeen in uu tego xaruntoda, markii uu tegayna loo sheegay in uu xidhan yahay.

"Markii aan waydiiyay inay Waaran maxkamadeed haystaan, waxay ii sheegeen in aanay haysan, sidoo kale markii aan waydiiyay cidda amartay xadhiggaygana, waxay igu yidhaahdeen, waad ogaan doontaan," ayuu yidhi Agaasimaha guud, waxaanu sheegay in subaxnimadii loo sheegay in uu Wasiirka arrimaha guduhu xadhiggiisa amray, taas oo uu sharci-darro ku tilmaamay, isla markaana uu sheegay in aanu awooddaas lahayn Wasiirku. Isaga oo si baán u weeraray Wasiirka.

Hase ahaatee, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre oo isna shir-jaraaíd qabtay, ayaa beeniyay in amarka xadhigga Agaasimaha guud uu bixiyay Wasiirka Arrimaha guduhu, waxaanu sheegay in baadhis ay wadeen ay gashay Agaasimaha guud, isla markaana ay suáalo waydiiyeen Agaasimaha, hase ahaatee, cidda habeenkaas xidhay ay tahay Ciidamada Booliska, gaar ahaan uu isagu taliye ahaan habeenkaa ku sugnaa xarunta dembi-baadhista.

"Wasiirku waxba kama ogayn xadhiggiisa ee aniga ayaabu I waydiyay oo uu I yidhi, ma jiraa in aad u yeedheen Agaasimaha guud, markaa side ayuu wax uga ogaa,"ayuu yidhi Taliyaha Ciidanku.

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland