4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Abaarta oo si adag u saamsayay Gobolka Togdheer iyo gaabiska ganacsatada ee gurmadka abaaraha

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) Abaarta ka jirta Gobolka Togdheer ayaa marba marka ka danbaysa sii xumaanaysa, iyadoo gaadhay meel daran, gaar ahaan Deegaamada Hawdka, Bariga iyo Woqooyiga Gobolka Togdheer.

Deegaamadani ay abaarta xun u saamsayay, ayay Xooluhu u dhinteen abaartan, iyadoo dad badanina oo hore reer guuraa u ahaa ay haatan ku soo xeroodaan tuulooyinka iyo magaalooyinka waaweyn.

Xukuumada Somaliland iyo Ganacsatada ayaan sidii la rabay isaga xilsaarin kaalmaaynta dadka abaaraysan marka laga reebo xukuumada Somaliland oo bilawgii abaraha gaadhsiiasay Deegaamada Abaaruhu ku dhufteen kaalmooyin biyo dhaamis ah oo kooban.

Dhanka Ganacsatada Somaliland, gaar ahaan kuwa gobolka Togdheer, ayaa ka gaabiyey doorkii ay ku lahaan lahaayeen kaalmaynta dadka abaaraysan, marka laga reebo tiro kooban oo ganacsato ah kuwaasi oo gaadhsiiyay Deegaamada abaartu ka jirto qadaro kooban oo kaalmo a oo ay ka mid yihiin biyo dhaamis iyo weliba qadar yar oo raashin ahi.

"Waxa ayaan-darro ah in ilaa intii ay bilaabmeen gurmadka Abaaruhu, aanay Ganacsatada gobolka Togdheer wax kaalmo ah ku ridin sanduuqa loo furay kaalmaynta dadka ku tabaalaysan abaaraha,"sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo ka mid ah guddida la-tacaalidda abaaraha ee gobolka.

Abaarta ka jirta Deegaamada Gobolka Togdheer qaarkood ayaa ah mid aanay u adkaysankarin mudooyinka soo socda hadaan raxmaadka ilaahay ka da’in ama kaalmooyin la soo gaadhsiin dadkaasi waxaan haatani deegamada abaartu ka jirtaa qaarkood u muqdaan kuwo ayba iskaga hayaameen dadkii iyo weliba duurjoogtiba

Ugu Danbayntiina kaalmaynta dadka abaaraysan ee Gobolka Togdheer ayaa ah xujo hortaala Xukuumada Somaliland iyo inta wax haysata ee ganacsato iyo qurbajoogba leh.

Niciima Cabdi Axmed, Hiiraan Online
[email protected]
Burco, Somaliland