4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Dagaallo iyo duqeymo xooggan oo saakay Muqdisho ku dhexmaray DKMG ah, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaal iyo duqeymo saakay Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, iyadoo ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale.

Dagaalkan ayaa qaxay markii xoogagga Xarrakatul Shabaab ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay degmada Hodan kaga sugnaayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, gaar ahaan guriga shaqaalaha, xaafadda taleex iyo isgoyska Dabka.

Inkastoo dad aan badnayn ay ku sugan yihiin xaafadahaas, ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo la sheegay inay ku dhacday rasaastii la isdhaafsanayay, halka madaafiic ku dhacay qaybo ka tirsan degmadaasna ay ku dhinteen laba qof oo kale.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday isbitaallada Muqdisho qarkood, kuwaasoo la sheegay inay isugu jiraan kuwo culus iyo kuwo fudud, dhinacyada hardanka uu u dhexeeyayna kama aysan hadlin dagaalka.

Xaaladda ayaa haatan daggan, iyadoo mararka qaarkood la maqlayo madaafiic mararka qaarkood ka dhacaysa goobihii lagu dagaalamay, waxaana dagaalkan uu imaanayaa iyadoo shalay uu isla degmadan ka dhacay dagaal u dhexeeyay dhinacyadan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya