4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Xarrakatul Shabaab oo sheegtay inay duqeysay saldhigyo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Baladxaawo

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay inay xalay madaafiic ku duqeysay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo laba todobaad ka hor ay dagaal uga qabsadeen ciidamo taabacsan dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ahlusunna oo gacan ka helaya ciidammo Itoobiyaan ah.

Saraakiil u hadlay Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay in weerarka madaafiicda ah ee ay ku qaadeen degmada Baladxaawo ay la beegsadeen saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmadaas, ayna khasaarooyin xooggan garsiiyeen askartii ku sugnayd.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baladxaawo ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in 20 madfac ay xalay ku dhaceen gudaha degmadaas ayna jiraan askar waxyeello kasoo gaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inksatoo aan tiro sax ah lahayn.

"Aad ayaan u baqnay xalay markii ay madaafiicdu billowdeen, waxaan ku sigannay inaan isaga baxno magaalada," ayuu yiri mid ka mid ah dadka fara-ku-tiriska ah ee ku haray degmada Baladxaawo, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreysay oo ay Xarrakatul Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaaddo degmadaas oo dagaal looga qabsaday.

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna oo ciidamadoodu ku sugan yihiin Baladxaawo ayaan weli ka hadlin weerarka madaafiicda ah ee xalay lagu qaaday degmadaas iyo khasaaraha kasoo gaaray ciidamadooda.

Gobolka Gedo oo inta badan marka laga reebo hal degmo ay ka talin jirtay Xarrakatul Shabaab ayaa haatan saddex degmo oo ka tirsan waxay gacanta u gashay dowladda Soomaaliya labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya