4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 12, 2011
Burcadbadeedda gacanta ku haya qoyska u dhashay dalka Denmark oo ku hanjabay inay dili doonaan qoyskaass

Sabti, Maarso 12, 2011 (HOL) – Burcadbadeedda Soomaaliyeed ee afduubka ku haysta qoyska u dhashay dalka Denmark ayaa shalay oo Jimco ahayd ku hanjabay inay dili doonaan haddii mar kale la isku-dayo in xoog looga furto.

Hanjabaaddan ayaa imaanaysa kaddib markii uu fashilmay qorshe weerar oo ay Puntland ku doonayso inay ku furato qoyskaas, waxaana dagaal dhexmaray Puntlad iyo burcadbadeedda lagu lagu dilay shan askari oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Qoyska Denmark u dhahay ee la haysto ayaa waxay isugu jiraan laba waalid iyo laba caruur ah oo ay dhaleen iyo laba qof oo la socday, waxayna kooxaha burcadbadeedda ah ku haystaan deegaanno ka tirsan gobolka Bari.

"Saaxiibbadeen waxay qoyska Danishka ah kala dhageen doonidii ay ku afduubeen kaddib markii ay lasoo daristay xaalad dhinaca ammaanka ah," ayuu yiri Xasan C/llaahi oo u hadlay kooxaha burcadbadeedda ah. Isagoo hadalkiisa daba-dhigay "Qoyska waa caafimaad qabaan, inkastoo ay ka cabanayaan xanuuno yaryar oo cimilada la xiriira."

Bile Xuseen oo isaguna ka mid ah burcadbadeedda ayaa sheegay inay dili doonaan qosyka haddii la isku dayo in mar kale laga furto xoog. Wuxuuna intaas ku daray inay ka doonayaan madaxfurasho lacageed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya