5/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 21, 2011
Mudaharaad looga soo horjeedo madaxda dowlada Soomaaliya oo maanta ka dhacay degmada Qardho
Jimco, 21, Januray, 2011 (HOL)- Maamulka degmada Qardho ee gobolka Kar-kaar ayaa maanta oo jimce ah soo abaabulay banaanbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo madaxda sare sare ee DKMG ah ee Soomaaliya.

Dibadbaxan oo ay ka qayb qaadanayeen boqolaal ka mid ah dadka degmadasi ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah madaxwaynaha Somaaliya Sheekh Shariif iyo Raysul-wasaare Maxamed C/laahi.

"Waxaan aad uga soo horjeednaa hadalo ay warbaahinta ka sii dayeen madaxda sare ee dowlada ,waxaana aan u shegaynaa in madaxda iyo shacabka Puntland ay is raacsanyihiin "ayuu yiri C/qaadir oo kamid ah dadkii ka qayb galay dibaxa oo aan khadka telka kula hadlay.

Dadkan ayaa la sheegay in ay isugu soo baxeen wadooyinka muhiimka ah ee Qardho,iyaga oo muujinaya taageerada ay u hayaan go,aankii Puntland ay xiriirka ugu jartay dowlada Soomaaliya.


Sidoo kale qaar kamid ah dadkii ka qayb galay mudaharaadkaasi ayaa ra'iisul wasaare Farmaajo ka codsaday in uu raali galin ka bixiyo waraysigii uu BBC-da siiyay oo uu kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin in Puntland iyo shacabkeeda aaney wada socon.

Shalay ayey ahayd markii dibax caynkan oo kale uu ka dhacay degmada Gaalkacyo waqooyigeedi ,kaasi oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka magaalada ,isla markaana uu ahaa mid lagu muujinayay taageerada loo hayo Puntland.

Ugu danbayntii xiriirkii u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo Puntland ayaa lagu wadaa in sidiisi hore uu ku soo noqdo ,waxaana dalka Jabuuti ka soconaya shirar goos goos ah oo ku aadan xalinta khilaafkii labada dhinac dhexmaray

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaailya