4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Kooxda Kubadda Cagta ee Degmada Dharkeenleey oo ku guuleysatay Tartanka Degmooyinka G/Banaadir (SAWIRRO)


Jimco, December 30, 2011(HOL): Kaddib ciyaar final ahayd oo ay kasoo qeybgaleen kumanaan taageerayaal ah oo galabta ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Stadiom Koonis ayaa waxaa ciyaartooyda degmada Dharkeynleey ay ciyaar kama dambeys ah oo ka tirsaneyd ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ay isaga horyimaadeen kooxda degmada Yaaqshiid.

Waxaana ciyaartaas oo ay kasoo qeybgalay masuuliyiinta ugu sarreysa dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Wasiirro, Xildhibaano, Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee (GOS) iyo qeybaha shacabka ku dhaqan magaalda Muqdisho.

Taageerayaasha ayaa gaaray heerkii ugu badnaa iyadoona lagu qiyaasay taageeryaashii galabta ciyaartasi usoo daawsho tagay in ka badan 3000 oo taageere ah kuwasoo ka kala socday degmooyinka hardamayay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa dagmada Dharkeenleey u suuragashay in ay helaan gool kuwasoo ciyaarta ku hoggaaminayay gool iyo waxba, waxaana u suurtagashay in ciyaarta ay ku idlaato 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda degmada Dharkeenleey.


Kaddib markii ciyaarta soo gabagabowday ayaa waxaa bilowday munaasbad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta taasoo lagu bixinayay abaalmarino kala duwan oo uu ku jiray koobkii tartanka ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shariif Sheekh Axmed ayaa bixiyay billado iyo koobka kaalinta koobaad iyo labaad ee tartanka, isagoona mid mid u gacan qaaday ciyaartoodii labada dagmo ee Dharkeynleey iyo Yaaqshiid.

Waxaana koobkii ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir galabta la carrabaabay xulka xidigaha degmada Dharkeenleey, iyadoona kumanaan taageeryayaal ah ay soo buuxdhaafiyeen gudaha garoonka kubadda cagta ee Stadium Koonis.

Tartankan oo noqday mid xiiso badan isla markaana soo jiitay taageeryaal faro badan oo ku sugan Muqdisho iyo daafaha caalamka ayaa waxaa furay 18-ki December madaxweynaha dalka Shariif Sheekh Axmed, waxaana soo qaban qaabiyay qabsoomidda tartankan maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.











Mohamed Yusuf
Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir