4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Saraakiisha Raaskambooni oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Al-shabaab

Jimco, December 30, 2011(HOL): Sarakiisha Raaskaambooni ayaa guulo ka sheegtay dagaal xooggan oo xalay ay xoogaga Alshabaab kula galeen inta u dhexeysa deegaanada Xayo iyo Taabto ee Gobolka jubada hoose.

C/naasir Seerar oo ah afhayeenka Raaskaambooni ayaa waxaa uu HOL u sheegay in xalay fariisimo ay ku leeyihiin deegaanada Taabto iyo Xayo ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen Al-shabab waxaana uu sheegay inay iska caabiyeen oo ay gaarsiiyeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

"Kooxda Khawaarijta xalay fiidkii waxaa ay weerar gaadma ah ku soo qaadeen fariisimo aynu ku leenahay Taabto iyo Xayo, waa la ogaa jabka ka raacay, rag badan oo meyd iyo dhaawac ah ayay ka carareen, kuwo kalena waa ay jiiteen,” ayuu yiri Mr Seerar.

Xoogaga Alshabaab ayaa iyagu dhankooda sheegay in dagaalkii xalay ay qasaaro gaarsiiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, iyagoona sidoo kale sheegay in ay ka gubeen gaadiid ay wateen ciidamada Kenya eek u sugan qeybo katirsan gobolka J/hoose.

Xaaladda gobolka J/hoose ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoona ay jiraan abaabul ciidan oo aad u xoogan oo ay wadaan ciidamada isbaheysiga ah iyo xoogaga Alshabaab ee isku horfadhiya deegaanada galbeed ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya