4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha KULMIYE oo Hargeysa ku soo laabtay


Jimce, December 30, 2011 (HOL): Wefti uu hogaaminayey guddoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE ee Somaliland Md: Muuse Biixi Cabdi, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalo xuduudeedda Wajaale ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa.

Weftigan oo ka yimid dalka Shiinaha, ayaa soo maray dalka Itoobiya, waxaanu Somalilland ku soo galeen socod lugta ah, iyagoo ka yimid magaaladda Jigjiga ee dalka Itoobiya, waxaana dadweynihii soo dhoweynayey dawlada Itoobiya u ogolaatay inay gaadiidkooda la soo galaan gudaha Itoobiya.

Weftigan waxa dhexda kaga horyimid masuuliyiin ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee KULMIYE, Xasan Siciid, Xildhibaano, Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta,  Masuuliyiinta heer degmo iyo gobol ee Gabiley iyo boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbigaasi.

Guddoomiyaha xisbiga KUlMIYE, ayaa sharaxaad kooban ka bixiyey safarkii shaqo ee uu ku tagay dalka Shiinaha, waxaanu yidhi “ Dalka Shiinuhu aad iyo aad ayuu u danaynaya dhulkeena, dadkaasi malaha dhulkeena wax aynaan ku ogayn ayay ku ogyihiin qof waliba wuu ku waydiinayaa oo waan imanayaa ayuu ku odhanayaa. Waxaa filayaa in dhawaan dad badani inooga iman doonaan oo u badan qolada ganacsada ah oo aad u danaynaya dalkeena.”


Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Md: Maxamed Kaahin Axmed oo weftigan la socday, waxaanu sheegay inay soo mareen afar gobol oo ku yaalla dalka Shiinaha, waxa kale oo uu xusay inay la kulmeen masuuliyiin badan oo dalka Shiinaha ah oo doonayey ayuu yidhi inay xidhiidh ganacsi Somaliland la yeeshaan.
 
“ Waxyaabaha ay danaynayeen waxa ka mid ah arrimaha ammaanka, budhcad-badeedka, nabadgelyo-darrada ka dhacda Soomaaliya oo magacii inaga dhaxayn jiray ay isku keen khaldaan,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Afhayeenka  waxa uu sheegay inay  kala hadleen qadiyada Somaliland, deeqo waxbarasho, xaga biyaha iyo wadooyinka inay qayb ka qaataan, waxa kale oo uu xusay inay kala hadleen inay maalgalin ku sameeyeen Somaliland.
“Dawladda Shiinaha waxyaabaha aannu kala hadalnay waxa ka mid ahaa ganacsiga Somaliland 97% waxa lagu isticmaalo marka laga reebo shidaalka waxa uu ka yimaadaa dalka Shiinaha, markii ay budhcad-badeeda ka hadlayeen waxaannu ku nidhi Somaliland waa ta keliya ee budhcad-badeeda la dagaalanta ee xidhxidha ee jeelasheeda boqolaal ku xidhan yihiin ee ilaalisa badeeda oo ku dhow 700KM, markaa maraakiibta ayaanu ilaalinaaye kaalaya nala ilaaliya”.


Guddoomiyaha xisbigan Taladda haya ee Somaliland ayaa intii uu hogaanka xisbiga la wareegay martiqaadyo kala duwan ka helay dhawr dal oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Jabuuti, Ra’isal wasaaraha Itoobiya iyo xisbigiisa iyo dalka Shiinaha oo ay marti qaadka heleen xisbiga taladda haya ee dalkaasi.
 
Waa markii ugu horraysay oo xisbinimo loogu casuumo xisbi ka mid ah xisbiyada Somaliland ka jira

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland