4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Taliyaha cusub ee Qaybta Booliska gobolka Sool ee Somaliland oo xilkii kala wareegay Taliyihii hore ee gobolkaasi

Jimce, December 30, 2011 (HOL)- Badhasaabka gobolka Sool, ayaa xilkii u kala wareejiey labadda Taliye ee Qaybta Booliska ee magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana si rasmiya xilkii ula wareegay taliyaha cusub.
 
Xaflad labada Taliye xilka ku kala wareegayaan ayaa ka dhacay magaaladda Laascaanood, waxaan ka soo qaybgalay maayarka magaaladda Laascaanood, Badhasaabka gobolka, saraakiisha ciidamada Booliska iyo marti sharaf kale.

Taliyihii hore ee booliska ee magaaladda Laascaanood Taliye Guutaale, ayaa ka warbixyey mudadii uu magaaladda joogay iyo sidii ay dadku ula shaqeeyeen, waxaanu xusay inuu wax badan ka qabtay amniga magaaladad Laascaanood, halkaasna uga mahadceliyey masuuliyiinta gobolka oo uu xusay inay wax badan la qabteen..

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Taliyaha cusub ee magaaladda laascaanood loo soo bedeley, Taliye Yuusuf Iidaan  oo balanqaaday inuu amniga iyo hawlaha kale ee magaaladda ka jira si weyn uga shaqayn doona.

Maayarka Magaaladda Laascaanood ayaa isna amaanay taliyihii hore ee magaaladda Laascaanood, isagoo taliyaha cusubna sheegay inay si fiican ula shaqayn doonaan.
“ Taliyihii hore ee Boolisku si wanaagsan ayuu uga soo shaaqeeyey gobolka, si odaynimo leh si taliyenimo leh ayuu runtii uga soo shaqeeyey taliyuhu, laascaanoodna taariikh fiican ayaa u taalla” ayuu yidhi Maayarku, waxaanu taliyaha cusubna sheegay inay si fiican ula shaqayn doonaan, kuna soo dhoweyn doonaan gobolka Sool.

Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Jeena yare ayaa sheegay inuu Taliyihii hore wax badan ka qabtay magaalada, isla markaana ay si fiican u wada shaqeeyeen, waxaanu tilmaamay in taliyaha Cusubna ay wada shaqayn doonaan.
 
“ Taliyihii hore dhawr jeer ayaa halkan loo soo bedelay, waxaan laga yaabaa in mar dambana uu soo noqdo,  mudadii uu shaqaynayey si waayeelnimo ah ayuu u shaqaynayey, waxaanu gobolku yahay mid ka duwan gobolada kale oo wuxu ku yaalaa meel xaduud ah  ” ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Sool Mr: Jeena Yare.


Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland