4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Shirkadaha Xawaaladah Soomaalida ee ku yaalla Gobolka Minnesota ee dalka Mareykank oo howlahoodii joojiyay

Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa joojiyay shaqooyinkoodii maanta oo Jimco ah kaddib markii bankigii ay xiriirka la lahaayeen uu sheegay inuu xirayo akoonnada ay ku leeyihiin.

Mas'uuliyiinta Xawaaladaha Soomaalida ayaa sheegay inay goor hore oo Khamiistii shalay ahayd joojiyeen qabashada lacagaha loo dirayo Soomaaliya, iyagoo sheegay inaysan jirin meel ay lacagahaas sii mariyaan haddii ay qabtaan.

"Shaqooyinkeennii waan joojinnay maanta oo Jimco ah, waayo waxay ku beegan tahay 30-ka Diseember oo xiriirka Franklin Bank aan la lahayn uu ku eg-yahay," ayaa laga soo xigtay mas'uuliyiinta xawaaladaha Soomaalida.

Franklin Bank ayaa oo ahaa bankiga keliya ee xiriirka la lahaa xawaaladaha Soomalida ee gobolka Minnesota ayaa sabab uu ku joojinayo xiriirka Xawaaladaha ku sheegay digniino kaga yimid dhinaca xukuumadda.

Bulshada Soomaalida ee ku nool Mareykanka ayaa intii awoodi kartay waxay soo direen lacagihii ay ku caawin jireen ehelladooda ku nool Soomaaliya goor hore oo toddobaadkan ah iyadoo inta aan fursadda u helin ay aad u walaacsan yihiin.

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uu ka dhaco dibadbax looga soo horjeedo joojinta howlaha xawaaladaha Soomaalida, iyadoo la sheegay in sannad walba ay Soomaalida Mareykanka ku nool u diraan Soomaaliya 100-milyan oo dollar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya