4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Dagaal Ciidamada DKMG ah, kuwa Kenya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanka Qooqaani ee Jubbada Hoose

Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii hardamay ka mid ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawcmeen dagaal ka dhacay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalkan qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay 4:00 habeenimo ee xalay weerar ku qaadeen saldhigyada ay deegaankaas ku leeyihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya, waxaana dagaalku uu socday muddo saacado ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud, iyadoo dagaalka ay guulo ka sheegatay Xarakada Al-shabaab oo tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya la beegsanaysay weerarro ku-dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay dagaalk ku dileen ciidammo badan oo isugu jira Soomaali iyo Kenya, iyadoo aysan jirin hadal kasoo baxay dhinaca DKMG ah iyo Kenya.

Xaaladda deegaanka Qooqaaqni ayaa daggan yihiin iyadoo ay weli ku sugan yihiin deegaankaas ciidamada isbahaysanaya, inkastoo ay Al-shabaab sheegtay inay la wareegtay deegaankaas muddo kooban.

Dhanka kale, saraakiisha Al-shabaab u hadlay ayaa sheegay inay qarax ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Kenya ay ku dishay sagaal askari oo ka tirsan ciidamada kuwa Kenya, sidoo kalena uu gubtay gaarigii miinada lala haleelay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya