4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Xildhibaannadii xilka ka qaaday Shariif Xasan oo sheegay inay qoraal taageero ah ka heleen ururka Midowga Afrika

Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Mudanayaashii xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay warqad qoraal ah oo lagu taageerayo go'aankooda ay ka heleen ururka Midowga Afrika ayna ku faraxsan yihiin in loo arko go'aankooda mid sharci ah.

Xildhibaan Maxamed Xuseen (Ilko-dahab) oo ka mid ah mudanayaashan ayaa ugu sheegay wariyeyaasha Muqdisho in qoraalka ay heleen uu qeexayo inuu shirarka baarlamaanka guddoomiye ku xigeenka labaad, sidoo kalena ay howluhu sidoodii hore u socdaan.

"Waxaan shacabka Soomaliyeed u xaqiijinaynaa in go'aankeennii aan taageero uga helnay beesha caalamka gaar ahaa Midowga Afrika, waxaana lagu yiri qoraalka in doorashadii dhacday 13-kii bishan ay tahay mid sharci ah, guddoomiyihii horena uu noqonayo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka," ayuu yiri xildhibaan Ilko-dahab.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in qoraalkan nuqullo ka mid ah loo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha AMISOM, uuna ku saxiixnaa ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, dajire Abubakar Diarra.

Inkastoo aysan jirin hadal kasoo baxay dhinac kale iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa haddana wuxuu sheegay in looga codsaday qoraalka inay ugu yeeraan xubnah kale ee baarlamaanka kulammada la qabanayo maalmaha soo socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya