4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Hay'adda MSF oo xaqiijisay in Muqdisho lagu dilay laba shaqaalaheeda ka tirsan oo midkood uu u dhintay dhaawac (SAWIRRO)


Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa xaqiijisay dil loogu geystay Muqdisho laba ka mid ah shaqaalaheeda ajnabiga oo midkood uu xalay dhaawac soo gaaray ugu geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Dilka shaqaalaha ayaa waxaa geystay nin ka mid ahaa shaqaalaha qaybta logistic-kada ama qalabeynta, iyadoo lagu sheegay magaca ninka dilka geystay Axmed Nuur isagoo hadda gacanta ugu jira ciidamada booliiska Soomaaliya.

"Waxaan xaqiijinaynaa in laba ka mid ah shaqaalaheenna caalamiga ah lagu dilay shil ka dhacay xarunteenna Muqdisho," ayay tiri afhayeennada MSF, Maimouna Jallow oo ku sugan magaalada Nairobi.

Labada shaqaalah ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: Philippe Havet oo 53-jir ahaa una dhashay dalka Belgium iyo Andrias Karel Keiluhu oo loo yaqaannay (Kace) oo 44-jir ahaa una dhashay dalk Indonesia, iyadoo la sheegay in shaqaale kale oo ajnabi ah oo lagu magacaabo Poul uu isaguna ka baxsaday in la toogto.

Dowladda KMG ah ayaa dilkaas ku tilmaantay mid laga xumaado iyadoo saraakiisha booliisku ay sheegeen inay baaris ku hayaan ninka dilka geystay, iyadoo maydadka labada shaqaalaha ah laga dhoofiyay saakay Muqdisho.

Ninka u dhashay mid ka mid ah dalalka Yurub ayaa la sheegay inuu xarunta ka shaqeynayay lixdii bilood ee lasoo dhaafay isagoo ahaa madax howlaha MSF ee magaalada Muqdisho.

Xarunta hay'adda ee lagu dilay shaqaalaha oo ku dhow isgoyska Zope ayaa la xiray iyadoo caruur lagu quudinayay la sheegay inay goobta ka yaaceen, inkastoo aysan ka hadlin MSF go'aankeeda ku aaddan kasii shaqeynta Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya