4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Maydadka dhallinyaro Soomaliyeed oo lagu hayo dalka Sucuudi Carabiya oo qaar ka mid ah la aqoonsaday

Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Maydadka 40-qof oo Soomaali ah oo ay qaarkood toogteen ciidamada ilaalada xuduudaha ee Saudi Arabia ayaa ku jira qaboojiyeyaal yaalla gobollada koonfureed ee dalkaas, iyadoo shan ka mid ah maydadka la helay aqoonsiyadooda iyo magacyadooda.

Dhallinyadan la dilay ayaa waxay ahaayeen kuwo doonayay inay ka tallaabaan soohdinta ay wadaagaan Yemen iyo Sucuudiga si ay uga soo shaqeystaan dalka Sucuudiga.

"Shan ka mid ah maydadka ayaa la helay magacyadooda iyo aqoonsiyadooda, waxayna ka mid yihiin kuwo ay dileen ciidamada Sucuudiga," ayuu yiri Cali Jayte Geeseey oo ah guddoomiye ku xigeenka jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Koonfurta dalka Sucuudiga oo wareysi siinayay VOA-da.

Cali Jayte wuxuu sheegay in qaar ka mid ah maydadka kale laga helay jeebabkooda warqado ay ku qoran yihiin magacyadooda balse aysan jawaab ka helin dadkii ka qabtay taleefoonnada oo ku sugan Soomaaliya.

Magacyada shanta qof ee maydadka ah ayuu ku sheegay Cali Jayte inay kala yihiin: 1. C/llaahi Maxamed Xasan Baaruud, 2. Cali Xasan Nuur, 3. Maxamed Shariif Nuur, 4. Ciise Diini Abaar, 5. Cali Maxamed Xasan Muuna isagoo xusay inay sidoo kale qoraalladu caddeynayaan deegaannada ay ku dhasheen.

"Ciidamada ilaalada sucuudigu iyaga ayaa qaarkood dilay wayna sheegayaan, waxaana socda dadaallo aan ku doonayno inaan ku aasno inta la aqoonsaday inta kalena waxaan ka qaadaynaa sawirro waana duugaynaa," ayuu hadalkiisa ku daray.

Soohdinta u dhexeysa Sucuudiga iyo Yemen ayaa waxaa lagu dilaa sannad walba dad dhallinyaro Soomaaliyeed oo tahriibayaal ah kuwaasoo doonaya inay labada dal isaga gudbaan, iyadoo aan la sheegin maydadka la hayo noocyadooda rag iyo dumar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya