4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Kooxo hubeysan oo xalay ku dilay mid ka mid ah Qoxootiga Soomaaliyeed Xeryaha Xagar-dheer ee dalka Kenya

Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Wararka naga soo gaaraya Xerada Qaxootiga ee Xagardheer ayaa sheegaya in xalay dabley hubeysan ay toogasho ku dileen gudoomiyihii gudiga ammaanka xerada Qaxootiga ee Xagardheer Axmed Maxamuud Maxamed (San-yare).

Nimanka dilka geystay ayaa la sheegay in ay wateen qori nooca loo yaqaan AK47, waxaana ay weerareen gudoomiyaha oo ku sugnaa goob tukaan ah oo uu ku lahaa xeradaasi, waxaana la sheegay in rasaas baas ah ay ku fureen, iyadoona uu soo gaaray dhaawac culus oo uu markii danbe u dhintay.

Ila imika lama oga cida ka danbeeysay dilka gudoomiyaha, waxaana dad deegaanka oo aan ka wareysannay ay noo sheegeen in aysan garaneyn sababta ka danbeeysay dilka Gudoomiyaha.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka ee xerada Xagardheer, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaanno ay ku baadigoobayaa cida geysatay dilka.

Waxaa mudooyinkii u danbeeyay isa soo tarayay falalka amni darro ee ka dhaca xerooyinka qaxootiyada ee Dhadhaab, iyadoona dadka ku dhaqan halkaasi ay wallaac ka muujiyeen dilalka iyo qaraxyada kusoo badanaya halkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya