5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2011
Madaxweyne Shariif oo qaabilay wafdi ka socda Turkiga oo uu horkacayo Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya


Isniin, September 12, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta wafti caalami ah ka socda dalka Turkey oo uu hoggaaminayo danjiraha cusub ee Turkiga u fariisan doona Soomaliya, Keynan Ipek.

Wafdiga oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa ka mid ahaa madxa ha’yadda TIKA Dr. Serdan Cam iyo madaxa shirkadda diyaarada ee dalka Turkiga Turkish Airline (CEO), Temel Kotil.

Madaxweynaha ayaa u sheegay dajiraha cusub ee Turkiga inay dowlada Soomaliya aad ugu faraxsan tahay in wadanka Turkiga uu safaaradiisa dib uga furo Muqdisho, madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad-celiyay madaxda iyo dowladda Turkey sida walaaltinimoda ah oo ay u garab-istaageen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxa ha’yadda TIKA Dr. Serdan Cam ayaa ka warbixiyay wafuuda ballaaran oo ka kooban ha’yado ka mid ah dowladda Turkey oo qorshohoodu yahay inay qayb weyn ka qaataan dib-u-dhiska dalka Soomaliya, siiba magaalada Muqdisho.


Dhanka kale madaxa shirkadda diyaarada ee Turkish Airlines, Temil Kotil ayaa sheegay in Turkish Airline ay bisha soo socota bilaabayso duulimaadyo isbuuciiba lama ah oo isaga gooshaya Istanbul iyo Muqdisho.

Sidoo kale, Temel Kotil ayaa sheegay inay qaybo muhiim ah ku kordhinayaan dhismaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho maadaama ay rabaan inay Muqdisho ku xiraan 146 magaalo.

Danjiraha cusub ee Turkey ayaa isaguna sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Cali Babacan uu labadii biloodba mar soo booqanayo dalka Soomaliya si uu u kormeero ha’yadaha dowladda Turkey u xil-saartay taakulaynta iyo dib-u-dhiska dalka Soomaliya.

Ugu danbeeyntii madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa u faahfaahiyay wafuuda Turkiga in dalka Soomaaliya uu yahay dal cimilo wanaagsan oo dhaqaale aan lasoo koobi karin leh, balse loo baahan yahay in la hagaajiyo amniga.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya