4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2011
Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah oo duqeymo ku dilay dad rayid ah iyo Suuqa Xoolaha oo laga qaxayo

Axad, Oktoobar 09, 2011 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ay xalay madaafiic culus ku duqeeyeen xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaasoo ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab.

Madaafiicda ayaa waxay qaarkood agagaarka SOS, sarta miinada, shineemo Cabdi waayeel iyo goobo kale, iyadoo saddex qof oo ka mid ah dadka dhintay ay kasoo jeedeen qoys qura.

Duqeymahan ayaa sababay inay dadkii ku noolaa xaafaddaas ay bilaabaan inay halkaas isaga barakacaan iyagoo ka baqdin qaba in dagaalladu ay soo gaaraan, balse waxaa jira dad iyagu doortay inay guryahooda iska joogaan.

"Xaaladdu waa daggan tahay marka xalay loo eego, inkastoo dhawaqa madaafiicda maqlayno haddana ma jiraan wax kusoo dhacaya xaafaddeenna," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool xaafadda suuqa xoolaha oo saxaafadda la hadlay.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ayaa waxay duqeynta billaabeen markii ay xoogagga Xarakada Al-shabaab ay xalay ku weerareen agagaarka qabuuraha Sheekh Cali Cabdulle oo duleedka bari ee degmada Kaaraan ku yaalla, halkaasoo ay shalay qabsadeen.

Dhanka kale, xaaladda degmada Kaaraan oo uu shalay ka dhacay dagaal culus ayaa saakay daggan, iyadoo ciidamadii DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin goobihii ay shalay la wareegeen.

Mazxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya