Ra'iisul wasaarayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis dhowr qodob ka kooban (DAAWO VIDEO)


Isniin, Oktoobar 31, 2011 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo ra'iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga ayaa maanta oo Isniin ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya heshiis ka kooban dhowr qodob, kaddib kulan looga hadlayay is-qabadka siyaasadeed ee labada dal soo kala dhexgalay.

Qodobbada ugu muhiimsan ee ay labada dal ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah: In ciidamada dowladda KMG ah ay hormuud u noqdaan howlgallada ka socda gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo in haddii gobolladaas laga saaro Xarakada Al-shabaab loo dhiso maamul hoostayada dowladda KMG ah oo ka madaxbannaan maamulladii horay uga jiri jiray.

Dr C/weli oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inaysan jirin khilaaf u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo isaga, wuxuuna sheegay in heshiiska iyo safarka uu Nairobi ku jooga uu yahay mid uu isaga u soo diray.

"Ma jiro khilaaf noo dhexeeya aniga iyo madaxweynaha Soomaaliya," ayuu yiri Dr C/weli Maxamed oo sheegay in heshiiska ay labada u kala saxiixeen isaga iyo Raila Odinga uu yahay mid meesha lagu saxayo iskaashiga siyaasadeed iyo midka amaan ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan ayaa wuxuu imaanayaa kaddib muddo toddobaad ka badan oo khilaaf dhinaca siyaasadda ah uu u dhexeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ka dhashay markii Kenya ay ciidamadeeda kasoo talaabisay soohdinta u dhexeysa labada dal.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in qorshaha ay ciidamadeedu u galeen Soomaaliya ay tahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Xarakada Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay falal isugu jira afduubyo iyo dilal ka geysteen gudaha dalkooda, inkastoo Al-shabaab ay iska fogeysay eedahaas.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa horay u sheegay in heshiis dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya uu ahaa mid iskaashi ah, uuna dhigayay in ciidamada dowladda ay hoggaan u noqdaan howgallada ka socda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO VIDEO HESHIISKAN KU SAABSAN


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya