5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2011
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday degmooyinka Muqdisho qaarkood lana kulmay guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta socod kusoo maray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo 16-ka degmo ee gobolka Banaadir la kulmay kalana hadlay xaalado ay ka mid yihiin ammaanka, nadaafadda iyo sidii gargaarka bani’aadamnimo lagu gaarsiin lahaa barakacayaasha.

Mudane Sheekh Shariif wuxuu u sheegay guddoomiyeyaasha gobolka in la haysto fursad lagu xaqiijin karo ammaanka shacabka Soomaaliyeed, laguna bedeli karo qaabkii hore ee lagu shaqeyn jiray. Iyadoo madaxweynuhu uu nasiib-darro ku tilmaamay in warbaahinta qaarkeed ay baahiyaan warar sheegaya in la magacaabay mas’uulkii lagu bedeli lahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu kormeer ku tagay dagmooyinka Shangaani, Xamar-weyne, Wardhiigley iyo Yaaqshiid oo isugu jira kuwii ay ka baxsaday Xarakada Al-shabaab iyo kuwii ay ka talinaysay dowladda KMG ah, isagoo tagay goobo ay ka socdaan howlo nadaafadeed oo uu horay ugu dhawaaqay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu kaloo booqday kawaanka kalluunka ee degmada Xamar-weyne si uu ugu kuurgalo nadaafadda suuqaas iyo sida ay u socdaan howlihiisa ganacsi.

Ugu dambeyn, madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu booqday goobaha taariikhiga ah ee ku yaalla degmada Shingaani, kuwaasoo qaarkood la dhisay muddo fog, isagoo sidoo kale tagay majid qarniyo dhisnaa oo ku yaalla degmadaas.

Booqashadan ayaa waxay qayb ka tahay booqashooyin toddobaadkii hore iyo midkan uu ku marayo degmooyin ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo u badan kuwii ay Xarakada Al-shabaab ka baxday bil ka hor oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya