Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen Soomaaliya
Arbaco, November 23, 2011(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah gudaha u soo galeen Soomaaliya, iyadoo warkanna uu shaaciyay Afhayeen u hadlay Dowladda oo lagu magacaabo C/raxmaan Cumar Cusmaan.
Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay kaliya soo geli karaan Soomaaliya labo sababood oo kala ah in ay heystaan ogolaasho caalami ah ama uu jiro xiriir labo geesood ah oo dhexmaray labada Dowladood (Somalia iyo Ethiopia), illaa iyo haddana aysan jirin labadaas sababood.
Afhayeenka oo hadal saxaafadeed soo saaray ayaa wuxuu intaas ku daray in hadallada ku saabsan soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay yihiin kuwo aan sal lahayn oo been abuur ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay beeninayaan warka arrintaas ku saabsan, "Waxaan rumeysan nahay in aysan waddanka ku sugneyn ciidamo Itoobiyaan ah"ayuu yiri C/raxmaan Cumar Cusmaan.
Inkastoo ay Dowladda Soomaaliya beenineyso in Ciidamo Itoobiyaan ah soo galeen Soomaaliya, haddana dad ku nool Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaadiid dagaal wata ay soo galeen Soomaaliya, isla markaana ay degmadooda tageen.
Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa waxay aag dagaal oo seddexaad ka furayaan Soomaaliya, iyadoo hadda labo aag-dagaal ee kale ay ka furan yihiin Muqdisho iyo duleedyadeeda oo ay ku dagaallamaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Al-Shabaab oo ka soo horjeeda, halka deegaanno ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose-na ay isku hor-fadhiyaan Ciidamo Kenyan ah iyo Xoogagga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda.
Ciidamada Itoobiya ayaa sanadkii 2006 waxay si buuxda gudaha ugu galeen Soomaaliya, iyagoo weliba gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Xiligaas waxay Soomaaliya ku galeen in ay la dagaallamayaan Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka oo inta badan ka talinayay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, laakin waxay Ciidamadaas Soomaaliya ka baxeen sanadkii 2009 iyadoo xoogaggii ay la dagaallamayeen ay weli ku sugan yihiin Muqdisho, isla markaana aysan ku guuleysan ula jeedkii ay Soomaaliya u galeen.
Soomaaliya ma lahayn wax Dowlad dhexe ah oo la isku raacsan yahay muddo ka badan 20 sanadood, waxaana tan iyo sanadkii 1991-kii Soomaaliya loo soo sameynayay Dowlado KMG ah oo aan lahayn itaal ay ku hantaan gacan-ku-heynta guud ahaan Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]