4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2011
Caruur qabta Jadeeco oo la jiifiyay cisbitalka Boosaaso
Arbaco, May 04, 2011 (HOL) – Tirro caruur ah oo qaba cudurka Jadeecada ayaa la dhigay qaar kamid ah xarumaha caafimaad ee ku yaala  magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari,kuwaasi oo siyaabo kala duwan uu cudurkaasi u haleelay.

Dr.Ismaaciil Ciise Rooble oo kamid ah dhakhaatiirka ugu caansan Puntland ayaa sheegay in halis badan ay jidho ,taasi oo la xiriirta cadurkan,maadaama caruur badan loo jiifiyay. "Maalmihii la soo dhaafay waxaa la ii keenay caruur cudurka uu hayo oo qaar kamid ah laga keenay degmooyin kala duwan oo Puntland ka tirsan," ayuu yiri dhakhtarka oo HOL la hadlay.

Sidoo kale dhakhtarka ayaa sheegay in waalidiinta aysan haysan wacyi galin ku saabsan astaamaha cudurkan lagu garto ,isla markaana loo keenay caruur aad u liidata labadii asbuuc ee ugu danbaysay. "Markii aad la kulanto waalidiinta waxa ay kuu sheegayaan in mudaba ilmahooda ay ku arkayeen xanuun badan "ayuu hadalkiisa ku daray Dr.Ismaaciil oo qaabilsan dawaynta caruurta iyo cudurada ku dhaca.

Dhakhtarka ayaa ugu baaqay wasaaradda caafimaadka Puntland in ay samayso wacyi galin badan oo ku aadan cudurka Jadeecada ,kaasi oo samayn aad u ballaaran u gaystay caruur badan oo africa ku nool. "Calaamadaha lagu garto in ilmaha cudurkan uu ku dhacay waxaa ka mid ah xumad badan,omateed la,aan ,qufac iyo idhaha oo casaarada afar ama sedex bari ka dib "ayuu mar kale yiri dhakhtarka oo ka digay khatarka cudurka.

Ugu danbayntii caruurta ugu badan ee cudurkan uu soo ritay ayaa la jiifiyay cisbitaallo kala duwan oo ku yaala Puntland ,waxaana soconaya dadaallo la xiriir sidii wax looga qaban lahaa.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya