Sabti, May 14, 2011 (HOL) – Garabyo uu khilaaf u dhexeeyay oo kawada tirsan culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta heshiis hordhac ah ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaddib kulammo ay todobaad ku lahaayeen halkaas.
Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan oo ah guddoomiyaha garab ka mid ah labadan garab ee heshiiska kala saxiixday oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in heshiiska ay u gaareen si ay midnimadooda u ilaaliyaan, wuxuuna xusay inay isku afgarteen dhowr qodob.
"Qodobbada aan isku afgaranay waxaa ka mid ah inaan shir deg-deg ah ku qabsanno dalka gudihiisa marka la gaaro 1-da July ee sannadkan, muddadaas inta ka horeysana lagu ixtiraamo mas'uul walba xilkiisa," ayuu yiri Sheekh Ibraahim oo intaa ku daray in marka uu shirku dhaco la qabanayo doorasho guud oo Ahlusunna ay kusoo dooranayso ruuxii hoggaamin lahaa.
Sheekh Ibraahim wuxuu sheegay sheegay in heshiiska ay saxiixeen isaga iyo Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo kala matalayay labada garab ee Ahlusunna Waljamaaca.
Khilaafka u dhexeeya Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka dhashay markii hoggaamiyaha sare ee kooxdaas loo magacaabay Macallin Maxamuud Sheekh Xasan, waxaana taasi ay keentay in qayb ka mid ah Ahlusunna ay maamul cusub oo maamulka guud ka madaxbanaan ay kaga dhawaaqaan degmada Caabudwaaq bishii hore.
Wadahadal labada garab ee Ahlusunna ayaa waxaa soo abaabushay dowladda Itoobiya oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo, iyadoo labada wafdi ay siyaabo kala duwan uga dhoofeen magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Caabduwaaq oo ka tirsan Gobolka Gal-guduud markii ay u socdeen Itoobiya.
Mas'uulka ka hadlay heshiiska ayaa sheegay in xiriirka kala dhexeeya Itoobiya uu yahay mid aad u wanaagsan, iyadoo kooxdan ay ka taliso degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud ayna dagaallo joogto ah kula jiraan xoogagga Xarrakatul Shabaab ee iyaguna ku sugan gobolkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya