4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2011
Xaflad qalin-jebin ah oo lagu qabtay Minnesota (SAWIRRO)


Axad, March 13, 2011(HOL): Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay badhtamaha magaalada Minneapolis. Ujeeddada xafladan ayaa ku saabsanayd ardayda dhigata masaajidka Abuubakar Sadiiq oo loo sameeyey xaflad qalin jabin, kaddib markii ay ku guuleysteen in ay xifidiyaan quraanka kariimaka ah. Ardaydan ayaa ka koobnayd 72 arday oo isugu jirey wiilal iyo gabdho, inkastoo ay gabdhuhu badnaayeen.

Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay boqolaal qof oo degan gobolka Minnesota oo isugu jirey waalidiin, macalimiin, culimo, arday, iyo aqoonyahano. Xafladan oo ahayd tii sedexaad ee lagu qabto badhtamaha magaalada Minneapolis, oo ay soo qabanqaabiyaan Masaajidka Abuubakar Asadiiq.

Ugu danbeyntii xafladan ayaa lagudoonsiiyey ardayda shahaadooyin iyo abaalmarino. Sidoo kale arday da’doodu yar tahay ayaa waxa ay soo bandhigeen gabayo isugu jirey Carabi iyo Soomaali. Waxa sidoo kale lagu soo bandhigey isla goobta tartan ay tartamayeen ardayda qaar. Waalidiintii halkaas isugu yimid ayaa runtii wajigooda waxa ka muuqday qiiro iyo farxad ka dib markii ay indhahooda ku arkeen in ardyada la bari karo quraan iyagoo ka tegin Minnesota, hadii lala dadaalo.










Link-ga hoose ka daawo Sawiirada Xafladda: 
https://picasaweb.google.com/somalimedia/Sadiiq?authkey=Gv1sRgCKjr4Y-W19LENg#

Abdimalik Askar
Somali Media