Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 13, 2011
Burcadbadeedda Soomaalida ah oo lagu wado inay siidaayaan 26 badmaaxe oo u dhashay dalka Bangaladesh

Axad, 13 Maarso, 2011 (HOL) – Burcadbadeedda Soomaalida ayaa lagu wadaa inay sii daayaan maanta oo Isniin ah ama berri oo Tallaado ah 26-badmaaxe oo u dhashay dalka Bangaladesh, kuwaasoo lagu afduubay markab lagu magacaabo MV Jahan Moni oo laga soo afduubay meel ku xeebaha dalka Hindiya muddo saddex bilood laga joogo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Bagaladesh ayaa sheegtay in kooxaha burcadbadeedda ah ay la yeesheen wadahadallo lagu sii-daynayo badmaaxiintan, balse lama sheegin in lagu sii-daynayo madaxfurasho iyo in kale.

 

“Berri ama maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in lasii daayo badmaaxiinta, kaddib markii aan burcadda la yeelannay wadahadallo guuleystay,” ayuu yiri Mustafa  Kamaal oo ah sakaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Bangaladesh.

 

Markabka ay la socdaan shaqaalahan ayaa waxaa la afduubay bishii Desember 05, 2010. Iyadoo 26-ka qof ee markabka la socda ay yihiin 25-rag ah iyo xaaska kabtanka markabka, iyadoo aanay jirin wax dhibaato ah oo loo geystay.

Kooxaha burcadbadeedda ah ayaa waxay afduubeen markabkan isagoo ka yimid dalka Giriigga kuna socday dalka Indonisia. Badmaaxiintan lasii daynayo ayaa imaanaysa iyadoo toddobaadkan ay sii-daayeen badmaaxiin u dhashay dalka Hindiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/13/2011 6:30 PM EST
Axad, March 13, 2011(HOL): Dad badan oo Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa dalalka Yemen iyo Liibiya ayaa dalalkaas ay qaxootinimada ku joogeen waxaa ku qabsaday dagaallo u dhaxeeya dowladaha wadamadaas ka taliyaha iyo dad ka soo horjeeda.

3/13/2011 6:10 PM EST
Axad, March 13, 2011(HOL): Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay badhtamaha magaalada Minneapolis. Ujeeddada xafladan ayaa ku saabsanayd ardayda Quraanka ku barata masaajidka Abuubakar Sadiiq oo loo sameeyey xaflad qalin-jabin ah.

3/13/2011 8:40 AM EST
Axad, 13 Maarso, 2011 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Max’ed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka codsaday xukuumadda Washington inay ka taageerto xukuumaddiisa dhismaha ciidamada si ay amaanka guud ee dalka dib ugu soo cleinayaan.

3/13/2011 8:39 AM EST
Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa lagu dilay shan qof oo kalena waa lagu dhaawacay dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhagaalamay inta u dhexeysa isgoysyada KM-4 iyo isgoyska Taleex ee jidka Maka Al-Mukarama oo ah midka ugu mashquulka badan goobaha ay dowladdu ka taliso.

3/13/2011 8:16 AM EST
Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Shan ruux ayaa ku geeriyootay shil gaari oo xalay ka dhacay halka lagu magacaabo Sheerbi oo ka tirsan degmada Waaciye ee gobolka Kar-kaar.

3/13/2011 8:11 AM EST
Axad, 13 Maarso, 2011 (HOL) – Barakacayaal muwaawinooyin kala duwan loogu qaybiyay degmooyinka Dharkeynley iyo Wadajir ayaa waxaa ka dhac u geystay dad ku hubeysan midiyo iyo ulo sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii mucaawinada laga dhacay oo saxaafadda la hadlay.

3/13/2011 8:09 AM EST
Axad, 13 Maarso, 2011 (HOL) – Wiil uu dhalay Allaha u naxariistee jilaagii C/llaahi Amiir Rooble (Aw-kuukuu) ayaa xalay lagu dilay xaafadda ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo la sheegay inay ku hubeysnaayeen bastoolado.

3/13/2011 3:31 AM EST
Maarso 13, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobollada Bay iyo Bakool ayaa taageeray dagallada ka socda magaalada Muqdisho ee ay kula jiraan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo is-garabsanaya, iyadoo mas'uulka walaayooyinkaas uu sheegay inay dabagal ku hayaan jajuusiin u sheegay inay u adeegaan dowladda Soomaaliya.

3/13/2011 3:16 AM EST
Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Guddiga gurmadka abaaraha ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa deeq ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka shalay ka qaybiyay magaalada Muqdisho iyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada hoose, iyadoo dadkii la siiyayna ay ku jireen dad naafo ah oo lixaadku ka kala dhiman yahay.

3/13/2011 1:57 AM EST
Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Dowladda Burundi oo qayb ka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ciidammo dheeraad ah oo gaaraya 1,000 askari ku biirisay ciidamada kaga sugan Muqdisho, taasoo tirada ciidamadeeda gaarsiinaysa 4,400-askari.

3/13/2011 1:49 AM EST
Axad, Maarso 13, 2011 (HOL) – Xildhibaan Axmed Ugaas oo ka mid ah mudanayaasha barlamanka Soomaaliya ayaa ku baaqay isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho in xoriyadooda la siiyo ajaanibta u dhashay dalka Denmark ee ku afduuban xeebaha Puntland.