4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2011
Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee Beledweyne oo lug iyo gacan ka jaray wiil lagu eedeeyay fal burcadnimo

Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Maamulka xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee magaalada Beledweyne ayaa maanta meel fagaaro ah magaalada Beledweyne lug iyo gacan is dhaaf ah uga jiray wiil dhalinyarro ah lagu magacaabo C/llaahi Weheliye.

Shiikh C/dulle Shiikh C/raxmaan oo ah mas’uul ka tirsan maamulka maxkamada xarrakada Al-shabaab oo goobta ka hadllay ayaa sheegay in wiilka xukunka lagu fuliyay dhawaan xoogagga xarrkada Mujaahidiinta Al-shabaab ka soo qabteen deegaannka Baardheere ee duleedka Beledweyne xili isaga iyo shaqsi kale oo la socday ay ku guda jireen baarashada mid ka mid ah gadiidka safarka ah ee isticmaala goballka.

Waxaa uu sheegay in ay qaateen lacag dhan 2500 oo kun oo Sh. So. Ah iyo $70 doolar, waxaana goobta ka baxsaday oo aan waqtigaa la qaban qofkii kale ee la socday, isaga oo intaa ku darray in maxkamadu ku jiray xukun lagu fuliyay.

Ma’aha markii ugu horeysay oo uu maamulka xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee maamul goballka Hiiraan sidan oo kale xad ku fuliyo dhalinyarro siyaabo kala duwan loogu eedeeyay falal la xiriira xatooyo, hasse ahaatee waa markii ugu horeysay oo meel fagaaro ah maamulka xarrakada Al-shabaab lug iyo gacan kaga jaraan shaqsi lagu eedeeyay in lagu soo qabtay falal burcadnimo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya