4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2011
Xarrakada Al-shabaab oo soo bandhigtay ciidamo taraafiko ah oo ka shaqeynaya deegaanka Ceelasha Biyaha (SAWIRRO)


Axad, June 12, 2011 (HOL) – Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa maanta oo Axad ah kusoo bandhigay deegaanka Ceelasha-biyaha ee gobolka Shabeellada hoose ciidan taraafiko ah oo ka shaqeyn waddooyinka deegaankaas.

Ciidamadan oo dhawaan tababar loosoo gabgabeeyay ayaa waxay maanta si rasmi ah howshooda uga bilaabeen deegaanka Ceelasha-biyaha ah oo ah goobta ay ku sugan yihiin dadkii dagaallada awgood uga barakacay Magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiinta Xarraktul Shabaab ee gobolkaas oo ka hadlay bandhigga ciidankan ayaa sheegay sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii waddada dheer ee dhexmarta deegaanka Ceelasha-biyaha aysan u noqon lahayn mid mashquul badan.

Sidoo kale, waxay sheegeen inay ka hortagayaan gaadiidka sida sharci darrada ah ee loo dhexdhigto gaadiidka iyo weliba xal u helidda shilalka oo muddo dheer qaadan jiray in si fudud xal loogu helo.

Maanta ayaa la rakay ciidamadan oo wata calaamado ay ku joojinayaan gaadiidka oo ka howlgalaya jidka dhexmara Ceelsha-biyaha, iyadoo dadweynuhu ay si aad u soo dhaweeyeen ciidamadan taraafikada ah ee cusub.

Xarrakada Al-shabaab oo ka talisa inta badan Soomaaliya ayaa waxay horay uga howlgelisay ciidamo taraafiko ah degmooyinka ku yaalla gobollada ay ka taliso sida degmada Kismaayo, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay deegaanka Ceelasha biyaha ka howlgalaan ciidamo taraafiko ah.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqidsho, Soomaaliya