
Sabti, June 11, 2011 (HOL) – Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa beeniyay inay ruux haweeney ah u adeegsadeen dilka wasiirkii arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee Soomaaliya, iyagoo sheegay inay sariirtiisa ugu rakibeen qalabka dilay ayna howlgalku iyagu si toos ah u fliyeen.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa xusay inaysan dilkaas haweeney u adeegsan ayna wararka arrinatn ku saabsan ee la isla dhexmaryo ay been yihiin.
"Waxaan Alle mahaddii inoo suurogashay inaan wasiirkii arrimaha gudaha ee DKMG ah ugu xirno sariirtiisa qalabkii dili lahaa, isagoo sheeganaya inuu mas'uul ka yahay ammaanka gudaha," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay in wasiirku uu ahaa caqabadda keliya ee hortaagnaa Xarrakatul Shabaab.
Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay in dariiqa uu maray wasiirka ay xubnaha kale ee dowladda sugayso, isagoo xusay in taangiyada AMSIOM aysan geerida ka difaaci karin, balse ay kula talinayaan inta aysan geeridu haleelin inay kasoo laabtaan falka ay ku jiraan.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax ayaa wuxuu u dhintay xalay fiidkii dhaawacyo culus oo kasoo gaaray qarax lagula beegsaday gurigiisa shalay gallinkii dambe.
Hadalka afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaa meesha ka saaraya warar sheegayay in qaraxaas ay fulisay gabar ardayad ahayd oo gurgiisa ku noolayd uuna waalid u ahaa, taasoo lafteeda ku dhimatay qaraxa dilay wasiirka.
Ugu dambeyn, afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu ka hadlay dibadbaxyadii ka dhacayay Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, isagoo sheegay inaysan waxba ka badalayn siyaasadda DKMG ah oo uu sheegay inaysan marnaba salka dhigan, isagoo xusay in tobanka gobol ee ay ka taliyaan ay nabadgalyo ka jirto.
Xarrakada Al-shabaab ayaa horay u dilay shan wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, kuwaasoo kala ahaa: Cumar Xaashi Aadan oo bishii Abriil 2009 lagu dilay Baladweyne, Qamar Aadan Cali, Ibraahim Xasan Caddow, Axmed C/llaahi Waayeel iyo Suleymaan Colaad Rooble oo iyagana lagu dilay qarax ka dahcay Hotel Shaamow 03-dii - Diseembar - 2009.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya