May-16-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2011
Shirkadda Dahabshiil oo 100,000 (Boqol Kun oo Doollar) ku taakulaynayso dadka abaaruhu riiqeen ee ku dhibaateysan Soomaaliya


Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale


Sabti, July 30, 2011(HOL): Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale, ayaa shaaca ka qaaday in deeq-horaad degdeg ah oo dhan  boqol kun oo Dollarka Maraykanka ah Shirkaduhu gaadhsiinayaan dadka abaaraha darani ku tahluukeeyeen gobollada koonfureed ee Somalia, iyada oo qoondadii shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu weli aanay soo dhammaan oo ku xigi doonto.
 
Guddoomiyaha oo xafiiskiisa  kulan saxaafadeed oo kooban ku qabtay waxa uu mar kale ku celiyey sida uu uga jidhiidhicooday heerka ba’an ee abaaraha daba dheeraaday u ragaadiyeen dadkii xoolaleyda ama beeraleyda ahaa ee gobollo badan oo koonfurta Somalia ah, iyada oo maanta boqollaal kun qarka u saaran yihiin macaluul baahsan oo gaag-ma-reeba ah.
 
“Waxa yaboohdani daba joogtaa, “ ayuu yidhi Guddoomiyuhu “baaqii guud iyo bayaankii aan kaga dhawaaqay xidhitaankii  aqoon-isweydaarsigii Wakiillada laamaha Gudaha ee shirkadda ee 21 July ku qabsoomay Hotel Maansoor, Hargeysa. Ujeedaduna waxay tahay in dadkaa ay maanta tabaaleeyeen abaaruhu l ficil loogu gurmado oo wixii la tari karo lala gaadho, siiba xilligan oo bishii barakaysnayd ee Ramadaan ku soo beegmay”.
 
Waxa Guddoomiyuhu baaq cod dheer ah u jeediyey cid kasta oo wax taaran kartaa dadkaasi, waxana uu yidhi: “hay’ado iyo dadyaw ka fogfog dadkan ayaa soo bilqaabay waxtar, waxa se intaba uga dhow oo la dhashay waa dadka magaca Soomaali ku abtirsada oo dhan oo ay isku diin iyo dhaqanba yihiin. Sidaa darteed, “ ayuu ku daray Guddomiyuhu “waxan ugu baaqayaa ganacsatada, culimada, dadweynaha iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo idil inay iyagu tallaabada hore qaadaan oo qof walbi wixii uu huri karo kaga qayb qaato gurmadkaa walaalaheen”.
 
Waxa kale oo Guddoomiyuhu hoosta ka xarriiqay in taakulo balladhan oo walaaltinimo ay gacanta ku hayaan shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu si ay gacan uga geystaan hawlaha samafalka ah ee lagu badbaadinayo dadkaa masiibada dabiiciga ahi ku habsatey.

Waxa uu Guddoomiyuhu mahadcelin iyo duco ballaadhan u diray shakhsiyaadka iyo hay’adaha isku hawlay samata-bixinta dadkan ku caydhoobay abaaraha, waxana uu iyaga iyo dadka tabaaloobeyba Ilaahay uga baryey inuu meel roon mariyo, inta culyaska iyo dhibtu haysana ka dul qaado oo Eebbe ugu beddelo raxmad iyo naxariis taam ah.
30/07/2011 10:15 AM EST
Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Kooxda kormeerka Qarammada Midoobay ee loo yaqaan ( UN Monitoring Group) ayaa ka laabtay eedeyn ay u jeediyeen hay’adda SAACID iyo shirkado kale oo ku saabsanayd in gargaarka bani’aadamnimo ee Qarammada Midoobay la lunsado, taasoo sababtay in barnaamijka cunnada adduunka ee Qarammada Midoobay WFP uu cadaadis siyaasadeed uga yimaado dowladda Mareykanka.

30/07/2011 10:05 AM EST
Khamiis, July 28, 2011 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay Muqdisho kulan ay uga doodeen sharciga bandhiga dhexe, iyadoo ay kulankaas goobjoog ka ahaayeen 325-xildhibaan oo ka mid ah 550-mudane ee uu baarlamanku ka kooban yahay.

30/07/2011 9:38 AM EST
Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday isbitaalka AMISOM ee ku yaalla xareada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku jiraan ciidamada dowladda ee dhaawaca ah, isagoo askarta mid-mid u salaamay.

30/07/2011 9:37 AM EST
Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Inta la hubo 11-ruux ayaa ku dhintay dagaallo culus oo maanta ku dhexmaray degmooyinka Wardhiigley iyo Howl-wadaag ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya Ahlusuna iyo AMISOM iyo xoogagga Xarrakada Al-Shabaab, waxaana ku dhaawacmay 25-qof oo kale.

30/07/2011 9:30 AM EST
Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 16-caruur ah ayaa ugu dhintay cudurro iyo gaajo ka dhashay abaarta ku dhuftay dalka Soomaaliya, waxaana tiro kale oo caruur ah ay la il-daran yihiin cudurro halis ah oo macluusha iyo nafaqo-darrada ka dhashay.

30/07/2011 9:27 AM EST
Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta magacaabay hay'adda maareynta musiibooyinka Qaranka, iyadoo hay'addan sheegay inay wax ka qabanayso qulqulka barakacyaasha ka imaanaya gobollada dalka ee ay abaaruhu ku dhufteen.

30/07/2011 9:23 AM EST
Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Maamulka Xarakada Alshabaab ee jubooyinka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in ay ka faa’iideystaan dhulbeereedyo uu maamulku sheegay in ay diyaariyeen kuwaa oo u baahan in la tabcado.

30/07/2011 3:38 AM EST
Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Xisbiga Hiil-Qaran oo dhawaan lagu dhawaaqay ayna ku mideysan yihiin siyaasiyiin iyo aqoonyanno Soomaaliyeed ayaa ka furtay magaalada Muqdisho xafiis weyn markii ugu horreysa, iyadoo xafladda lagu casuumay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

30/07/2011 3:22 AM EST
Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Xaflad lagu maamuusayay arday Soomaaliyeed ah oo ku dhameystay xifdinta Qur'aanka Kariimka dugsi ku yaalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa habeen hore lagu qabtay magaalada Minneapolis.

30/07/2011 2:54 AM EST
Sabti, July 30, 2011 (HOL) – Dagaal culus oo u dhexeeya ciidmada DKMG ah oo kaashaaya AMISOM iyo Ahlusunna iyo xoogagga Xarrakada Al-Shabaab ayaa dib uga qarxay saakay oo Sabti ah magaalada Muqdisho, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhinteen shan ruux, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.