Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 21, 2011
NATIIJADII UGU DAMBEYSAY EE CIYAARAHA K/KOLAYGA STOCKHOLM: Toronto Stars 92 London Stars 42---- iyo Stockholm 35 Scandinevian 11


Khamiis, 21 July 2011(HOL): Intii beryahanba la socotay ciyaaraha Kubadda Cagta iyo Kubadda Kolayga isugu jira ee ka socda garoomada Spånga IP iyo Sporthall ee magaalada Muqdisho maanta ma jirin wax ciyaaro ah oo Kubadda Cagta ah, hayeeshee waxaa jiray ciyaaro Kubadda Kolayga ah.

 

Garoonka Kubadda Kolayga Sporthall ayaa waxaa ka dhacay ciyaaro ka tirsan tartan uu soo qaban qaabiyay Ururka SKIF, waxaana caawa wada ciyaaray afar kooxood oo ka kala socday dalalka Ingiriiska, Sweden Canada iyo Scandinevian-ka.

 

Ciyaartii hore ayaa waxay dhexmartay kooxaha Stockholm (Sweden) iyo Xiddigaha Scandinevian-ka, waxayna ciyaartaas ku dhamaatay 35—11 oo ay ku adkaatay Kooxda Stockholm.

 

Waxaa dhacday ciyaar kale oo iyadana dhexmartay Kooxaha Toronto Stars (Canada) iyo London Stars (UK), waxayna ciyaartan oo aad u adkeyd ku soo idlaatay 49—92 oo ay ku guusha ku raacday Kooxda Toronto Stars.

 


Dadweyne aad u faro badan oo isugu jiray kuwo degan magaalooyinka kala duwan ee dalka Sweden iyo kuwo ka yimid Dalalka kale ee Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ayaa garoonka Sporthall ee ay ciyaarta ka dhacday si weyn u soo camiray. Sidoo kale waxaa garoonka joogay dad Isboortiga Soomaaliya magac iyo maamuus ku leh, kuwaasi oo u soo ciyaaray kooxihii Qaranka Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd Kubadda Kolayga iyo haddii ay ahaan lahayd Kubadda Cagta.

 

Tartankan oo socon doonaa ilaa 23-ka bishan ayaa wuxuu soo bilowday 19-kii bishan, wuxuuna tartankan yahay mid sanadkiiba uu mar qabto Ururka SKIF.

Dhanka kale, maalinta berri ah ayaa waxaa garoonka Spånga IP ee magaalada Stockholm ka bilaaban doona semi-finalka Koobka Ciyaaraha Xagaaga Sweden, waxaana berri wada ciyaari doona Kooxaha Leicester (UK) iyo Sonpetry (Finland).

 

Halkan kala soco haddii alle idmo kooxdii ku guuleysata Koobka Kubadda Cagta iyo middii kale ee ku guuleysata Koobka Kubadda Kolayga.









 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com




Post your comments

7/21/2011 9:49 PM EST
Khamiis, 21 July 2011 (HOL)- Alle ha u naxariistee waxa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Naaso-hablood ee magaalada Hargeysa Xoghayihii guud ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Marxuum- Keyse Xasan Cige.

7/21/2011 9:53 AM EST
Khamiis, July 21, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Somaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulammo kula yeesheen madaxtooyada wafdiyo ka kala socday Qarammada Midoobay; kuwaasoo ay kala hoggaaminayeen ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasadda Lynn Pascoe iyo madaxa WFP Josette Sheeran.

7/21/2011 9:53 AM EST
Khamiis, July 21, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Muqdisho wafdi ay hoggaaminaysy madaxa hay'adda WFP Josette Sheeran oo socdaalkeedan uu ahaa midki ugu horreeyay oo ay Muqdisho ku timaaddo. Inkastoo bishii Abriil ee sannadkan ay safar ku tagay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

7/21/2011 9:34 AM EST
Khamiis, July 21, 2011 (HOL) – Maamulka Galmudug oo xiriir wanaagsan la leh DKMG ah ee Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay wasiirrada uu xalay ku dhawaaqay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali, kuwaasoo ka koobnaa 18 xubnood.

7/21/2011 6:01 AM EST
Khamiis, July 21, 2011 (HOL) – Madaxa hay’adda gargaarka caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ayaa Arbacadii shalay magaalada Nairobi kaga dhawaaqay dadaalka hay’adda iyo guud ahaan dowladda Mareykanku ugu jiraan inay wax ka qabtaan abaarta baahsan ee ku dhufatay Geeska Afrika.

7/21/2011 5:48 AM EST
Khamiis, July 21, 2011 (HOL) – Hay'adda SOHPA oo ka mid ah hay'adaha maxalliga ah ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa waxay shalay gargaar raashin ah u qaybisay 400-qoys oo ka mid ah barakacayaashii abaaraha, kuwaasoo ku jira xeryo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

7/21/2011 3:59 AM EST
Khamiis, July 21, 2011 (HOL) – Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay xalay markii lagu dhawaaqay golaha wasiirrada cusub ee DKMG ah ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo looga baahan yahay inay la yimaadaan waxqabad muuqda.

7/21/2011 3:42 AM EST
Khamiis, July 21, 2011 (HOL) – Dowladda Mareykanka oo ka jawaabaysa qaylo-dhaantii ay Qarammada Midoobay ku sheegtay in Soomaaliya ay ka jirto macluul ba'an ayaa waxay sheegeen inay kordhinayeen dhaqaalaha ay ugu talogaleen in lagu gargaaro shacabka Soomaaliyeed.

7/21/2011 2:55 AM EST
Khamiis, July 21, 2011 (HOL) – Taliye-ku-xieenka guud ee Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen sadex nin oo si qarsoodi ah magaalada Hargeysa uga furtay xafiis lagu bixiyo baasaboorka dawlada TFG ee Soomaaliya.