Maydka gabar yar oo gowracan oo saakay laga helay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

Axad, July 17, 2011 (HOL) – Maydka gabar 12-jir ah oo gowracan ayaa saakay laga helay xaafadda Dalsan ee Koonfurta degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo la sheegay in gabadhaas la fara xumeeyay ka hor intii aan la dilin, lama yaqan cidda geysatay dilka iyo kursiga gabadhan yar.

Gabadhan oo aan magaceeda la sheegin ayay saraakiisha booliiska Galmudug waxay sheegeen in lagu qariyay guryo jajaban oo xaafadda Dalsan oo maydkeeda laga helay, iyagoo xusay inay wadaan baaritaanno ku aaddan kooxihii ka dambeeyay dilkeeda.

"Jirka gabadhan qaybo ka mid ah waxaa ku yaalla dhaawacyo toorey ah," ayuu yiri ruux goobjooge ahaa oo la hadlay warbaahinta, wuxuuna ruuxaas sheegay in dilka gabadhan uu u muuqdo mid dhacay xalay.

Taliyaha ciidamada booliiska Galmudug Col. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) ayaa u sheegay warbaahinta Gaalkacyo inaan la ogeyn cidda geysatay dilka gabadha, balse ay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay.

"Baaritaanno ayaa socda, markii ay dhammaadaan ayaana soo bandhigi doonnaa xogta oo rasmi ah," ayuu yiri Col. Cabdi Xabeeb. Isagoo sheegay inay heleen xogo hordhac ah oo ku saabsan dilka gabadhan.

Arrintan ayaa waxay walaac xooggan ku abuurtay dadka deggen xaafadda Dalsan ee Koonfurta Gaalkacyo oo maydka gabadhan yar laga helay, waxaana markii ugu horreysay oo fal noocan oo kale ah uu ka dhaco Gaalkacyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya