5/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 28, 2011
HORYAALKA SOOMAALIYA: Kooxaha Savana iyo Banadir Telecom oo 0 iyo 0 isla dhaafi waayay (SAWIRRO)

Jimco, January 28, 2011(HOL): Kooxaha Savana FC iyo Banadir Telecom ayaa galabta bar-bar dhac 0-0 ku kala baxay ciyaartii ay iska horyimaadeed garoonka Jaamacadda ee magaaladda Muqdisho ee ka tirsaneyd horyaalka 36-aad ee wadanka Soomaaliya.

 

Kooxda Savana ayaa guud ahaan ciyaarta maamulaneysay, iyadoo dhowr jeer sigtay shabaqa kooxda Banadir Telecom, maadaama  ay weerar cir iyo dhul ah ku soo qaadeen difaaca kooxda Telecom, hase ahaatee difaacyada Banadir waxay muuiyeen dadaal xoog leh oo ay iskag cabiyeen handadaadii wiilasha Savana.

 

Ciyaaryahanka  kooxda Banadir Telecom C/llaahi C/raxmaan Jaamac ayaa ciyaarta laga saaray (roose la siiyay) daqiiqadii 89-aad, kaddi markii uu ku kacay fal ka baxsan anshaxa ciyaarta.

 


Kooxd Banadir Telecom ee difaacaneysa horyaalka loo tartamayo ayaa laga daremayay hoos u dhac  xoog leh, iyadoo tababaraha kooxdaas Cali Maxamed Absuge (Cali Buu) uu berri ciyaartooydiisa la qaadan doono kulan ay ku baarayan waxyaabaha sababay hoos dhaca xoog leh ee kooxda la soo dersay.

 

Dhinaca kale xiriirka K/cagta ee Somali Football Federation (SFF) ayaa berri go’aankii ugu dambeeyay ka qaadanaya kooxda Dekedaha, kaddib markii ay diiday inay ka soo qeyb gasho horyaalka socda, iyadoo aan garoonka soo xaadirin ciyaartii ay shalay la yeelan laheyd kooxda Supper Shell.

 

Guddoomiyaha kooxda Dekada Cabdi Jiinoow Cadoow ayaa hore u aflagaadeeyay xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, midka qaaradda Africa ee CAF iyo kan adduunka ee FIFA, isagoo ku eedeeyay inay ku qaldan yihiin aqoonsiga guddoomiyaha xiriirka K/cagta Soomaliya Saciid Maxamuud Nuur (Mukambe) oo uu ku yahay mucaarad xoog leh.

 

Waxaa dhici karta in go’aanka xiriirka K/cagta ee berri la sugayo inuu noqdo in guud ahaan kooxda Dekadaha laga tir-tiro liiska kooxaha xiriirka u diiwangashan ee 25 kooxood.


Kala horeynta dhinaca dhibcaha ee horyaalka

 

NO

Koox

Kulan

Dhinco

1

SITT Dallo

1

3

2

Elman

1

3

3

Heegan

1

3

4

Savana

2

1

5

Banaadir

2

1

6

Horseed

1

0

7

Supper Shell

0

0

8

Dekadaha

0

0

 

Faarax Blue

[email protected]