4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 14, 2011
Xukun Gacan-goyn ah oo galabta Ka dhacay Kismaayo


Jimco, January 14, 2011(HOL): Xukunkan gacan goynta ah ayaa waxa uu galabta ka dhacay fagaaraha weyn ee beerta shareecada ee bartamaha magaalada kismaayo, waxaana lagu fuliyay wiil dhalinyaro ah oo ku eedeynaa in ay ku kacay fal xatooyo ah.

Ninka gacanta laga gooyay oo lagu magacaabo C/raxmaan Max'ed C/laahi ayay maxkamaddu sheegtay in lagu soo eedeeyay in uu xaday tukaan uu lahaa nin lagu magacaabo C/laahi Axmed Qoofle, oo ku yaala degmada buurgaabo, waxaana ay maxkamaddu sheegtay in uu ka xaday lacag dhan 160,000,000 (malyan iyo lix boqol) iyo kartoon baasta ah oo lagu qiimeeyay 320,000 Sh.Som(sedex boqol iyo labaatan kun), maxkamadda ayaa sheegtay in C/raxmaan uu qirtay in uu galay danbigaas.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay C/raxmaan in laga jaro cukurka ama kafka gacanta midig xukunkaas oo ay maxkaddu sheegtay in ay u xuskatay shareecada Islaamka, waxaana halkaasi gacantiisii midig ku waayay C/raxmaan Max'ed C/laahi.

Goobta uu xukunka ka dhacay oo ahayd fagaaraha beerta shareecada ee bartamaha magaalada Kismaayo ayaa waxa kasoo qeybgalay boqolaal kamid ah dadka reer Kismaayo oo iyagu doonayay in ay daawadaan qaabka loo fulinayo xukunka gacan goynta ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xukun ceynkan oo kale ah uu ka dhaco gudaha magaalada Kismaayo, hore ayay maxkamadda degmada Kismaayo u fulisay xukunno ceynkan oo kale ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya