
Sabti, December 31, 2011 (HOL) − Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa saakay oo Sabti ah aroortii hore weerar ku qaaday ciidammo Itoobiyaan ah oo ay wehliyaan kuwo Soomaali iyadoo dagaalladu ay ka billowdeen deegaanno ku dhow degmada Baladweyne.
Inkastoo aan la sheegin karin khasaaraha ay dagaalladu geysteen ayaa haddana waxay wararka laga helayo degmadaas sheegayaan in dagaalku uu ku dhawaaday Baladweyne, haddana uu ka socdo buurta janta kuundishe oo bariga magaalada ku taalla.
"Dagaalku wuxuu qarxay 6:30 aroornimo ee saakay, waana mid culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo, dadkuna way isaga cararayaan magaalada," ayuu yiri goobjooge Baladweyne ku sugan oo la hadlay HOL.
Goobjoogaha oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa hadalkiisa ku daray in xoogagga Al-shabaab ay dib ugu soo guranayaan magaalada Baladweyne lana xiray gabi ahaan ganacsiga, iyadoo la arkayo dadka oo si firxad ah uga baxaya magaalada.
"Xaaladdu waa mid darran, dagaaladuna waa kuwo marba marka ka dambeeya soo kordhaya... xoogagga Al-shabaab waxay kusoo laabanayaan gudaha magaalada lamana saadaalin karo xaaladdu siday isku bedeli karto," ayuu hadalkiisa ku daray.
Saraakiil u hadlay ciiidammada Soomaalida ah oo taabacsan dowladda KMG ah ayaa sheegay in dagaalku uu ka socdo daafaha magaalada Baladweyne qorshahooduna uu yahay inay la wareegeen degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab, iyagoo xusay inaysan jirin ciidammo Itoobiyaan ah oo dagaalka u wehliya.
Balse goobjoogayaal ku sugan deegaanka Ceelgaal ayaa xaqiijiyay inay dagaalka ka qaybqaadanayaan ciidammo Itoobiyaan ah. Iyagoo sheegay inay arkeen gaadiidka dagaalka ee ciidamada Itoobiya oo dagaalka ka qayb ka ah.
Xarakada Al-shabaab oo aan si faahfaahsan uga hadlin dagaaka ayaa iyaguna sheegay in dagaaku uu socdo, ayna iska caabinayaan ciidamada Soomaalida ah iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee la socda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya