3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2011
Prof. Samatar oo rajo ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya, kuna baaqay in la is cafiyo(SAWIRRO)

HIIL4.jpg

Jimce, December 30, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Hogaamiyayaasha xisbiga Soomaaliyeed ee Hiil Qaran oo shir maanta ku qabtay Hotelka Laico Regency ee magaalada Nairobi ayaa ka hadlay safar ay dhawaan ku tageen magaalada Muqdisho iyo sida xal loogu heli karo dhibaatada Soomaaliya.

Proffesor  Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah hogaamiyayaasha xisbiga Hiil Qaran ayaa ka sheekeeyay waxay ku soo arkeen magaalada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay burburka ka muuqda Muqdisho inay u ekeetay magaalo lagu dhuftay hubka Nuclearka.

“Waxaan tagay 58 wadan oo dunida ku yaalla oo ay kamid yihiin magaalooyinka Heroshima iyo Nekesaki ee waddanka Japan oo lagu dhuftay Nuclear, balse muuqaalka Muqdisho ayaa igala naxdin badnaa, 90% way burburtay  magaaladu waxay u ekayd magaalo lagu dhuftay Nuclear”. Ayuu yiri Samatar oo jeediyay khudbo qiiro galisay dadkii halkaas joogay.

“Wadadii Maka Al-mukarrama ee ahayd halbawlaha caasimada, way burburtay, hogag ayay isu badashay, shacabkana dac darro ayaa ka muuqatay”. Ayuu sii raacshay intii uu ka sheekaynayay baaxada burburka gaaray Muqdisho.

Prof. Samatar ayaa dhanka kale rajo ka muujiyay mustaqbalka Soomaaliya, isagoo xusay inuu Muqdisho ku soo arkay dhalinyaro Soomaaliyeed oo jecel inay wax qabsadaan, balse ay haysato hogaan la’aani.

“Jaamacada ayaan khudbad ka jeediyay boqolaal ayaa isugu timid, taasi waxay ku tusaysaa inay dadka rajadoodii ayan dhiman”. Ayuu yiri.

Cabdulaahi Faarax oo isna kamid ah xisbiga Hiil Qaran ayaa safarkoodii ku sheegay inay ku tageen qaybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah, oo uu sheegay inay haysato xaalad nololeed oo aad u adag.

Xamdi Cabdulle oo kamid ah hogaamiyayaasha ururka ayaa iyaduna ka hadashay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ciyaareen xilligii burburka oo ay ku tilmaantay inay jihad u galeen sidii ay u badbaadin lahaayeen nolosha qoysaskooda.

HIIL7.jpg

“Haweenku waa kuwa lacagta ugu badan dibadaha kasoo dira, waa kuwa dalka qoysaska jooga u shaqeeya, saasoo ay tahayna doorkooda laguma xaq dhowro oo waxay  la kulmaan tacadiyo raggoodiina waa  kuwo iska qayilaya”. Ayay tiri Xamdi.

Xamdi ayaa haweenka Soomaaliyeed ku tilmaantay inay yihiin hooyooyinka ugu kartida badan ee mar walba kasoo saara dalka iyo qoysaskoodaba marxaladaha adag.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macallim oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu taageeri doono ururka Hiil Qaran walow uu tilmaamay in ururo badan oo uu taageero la garab istaagay ay ku guul darraysteen arrimaha Soomaaliya.

Faarax Macallim ayaa ka codsaday Soomaalida inay dalkooda u soo jeestaan ayna wax ka qabsadaan.

“Muslinka indhaha duubtay ee dalalka kale ka yimid ee Soomaaliya Alshabaab ay keentay  ma dan baa ugu jirta Shacabka Soomaaliyeed? Soomaalida waxaan u sheegayaa muslinka dhulku isuguma jiro nin walba waddankiisa ayuu leeyahay, sucuudiga xataa oo baytkii barakaysnaa ku yaal fiiso ayaa lagaa rabaa, marka Soomaaliyay isku tashada”. Ayuu yiri Faarax oo aad ay ugu sacabiyeen dadkii halkaasi isugu yimid.

Kulankii ay qabteen xisbiga Hiil Qaran oo ay sidoo kale isugu yimaadeen masuuliyiin kala duwan iyo taageerayaasha xisbiga ayaa ugu dambayntii lagu soo afmeeray fariimo ay dirayeen hogaamiyayaasha xisbiga oo sheegay in Hiil Qaran uusan taageero ka helin cidna ayna ku tiirsanyihiin oo kaliya lacagaha ay iska aruuriyaan xubnihiisa.

Waxayna ugu baaqeen Soomaalida inay garab istaagaan xisbiga ama ay abuuraan qorshayaal kale oo dadka iyo dalka lagu badbaadinayo, iyagoo xalka Soomaaliya sheegay inuu ku jiro Soomaalida oo gacmaha is qabsata lagana shaqeeyo sidii dib loogu yagleeli lahaa is jacaylkii Soomaalida ka dhaxayn jiray.

HIIL13.jpg
HIIL3.jpg
HIIL10.jpg
HIIL8.jpg
HIIL.jpg
HIIL2.jpg
HIIL6.jpg
HIIL11.jpg
HIIL9.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
12/30/2011 6:36 PM EST
Jimco, December 30, 2011(HOL): Kaddib ciyaar final ahayd oo ay kasoo qeybgaleen kumanaan taageerayaal ah oo galabta ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Stadiom Koonis ayaa waxaa ciyaartooyda degmada Dharkeynleey ay ciyaar kama dambeys ah oo ka tirsaneyd ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ay isaga horyimaadeen kooxda degmada Yaaqshiid.

12/30/2011 11:13 AM EST
Jimco, December 30, 2011(HOL): Wefdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka iyaga oo ka soo ambabaxay magaalada Bosaaso ee xarunta maamulka Puntland halkaasoo booqasho labo todobaad qaadatay uu ku tegay.

12/30/2011 11:11 AM EST
Jimco, December 30, 2011(HOL): Sarakiisha Raaskaambooni ayaa guulo ka sheegtay dagaal xooggan oo xalay ay xoogaga Alshabaab kula galeen inta u dhexeysa deegaanada Xayo iyo Taabto ee Gobolka jubada hoose.

12/30/2011 11:11 AM EST
Jimce, December 30, 2011 (HOL): Wefti uu hogaaminayey guddoomiyaha xisbiga taladda haya ee KULMIYE ee Somaliland Md: Muuse Biixi Cabdi, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalo xuduudeedda Wajaale ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa.

12/30/2011 11:07 AM EST
Jimce, December 30, 2011 (HOL)- Badhasaabka gobolka Sool, ayaa xilkii u kala wareejiey labadda Taliye ee Qaybta Booliska ee magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana si rasmiya xilkii ula wareegay taliyaha cusub.

12/30/2011 3:52 AM EST
Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa joojiyay shaqooyinkoodii maanta oo Jimco ah kaddib markii bankigii ay xiriirka la lahaayeen uu sheegay inuu xirayo akoonnada ay ku leeyihiin.

12/30/2011 3:39 AM EST
Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii hardamay ka mid ah ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawcmeen dagaal ka dhacay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose.

12/30/2011 3:27 AM EST
Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Mudanayaashii xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay warqad qoraal ah oo lagu taageerayo go'aankooda ay ka heleen ururka Midowga Afrika ayna ku faraxsan yihiin in loo arko go'aankooda mid sharci ah.

12/30/2011 3:24 AM EST
Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa xaqiijisay dil loogu geystay Muqdisho laba ka mid ah shaqaalaheeda ajnabiga oo midkood uu xalay dhaawac soo gaaray ugu geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

12/30/2011 3:22 AM EST
Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Maydadka 40-qof oo Soomaali ah oo ay qaarkood toogteen ciidamada ilaalada xuduudaha ee Saudi Arabia ayaa ku jira qaboojiyeyaal yaalla gobollada koonfureed ee dalkaas, iyadoo shan ka mid ah maydadka la helay aqoonsiyadooda iyo magacyadooda.

12/30/2011 3:20 AM EST
Jimco, December 30, 2011 (HOL) − Wararka naga soo gaaraya Xerada Qaxootiga ee Xagardheer ayaa sheegaya in xalay dabley hubeysan ay toogasho ku dileen gudoomiyihii gudiga ammaanka xerada Qaxootiga ee Xagardheer Axmed Maxamuud Maxamed (San-yare).