5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2011
Xildhibaanno kala hadlay AMISOM sidii loogu ogolaan lahaa inay ku shiraan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Xildhibaanno ka tirsan kuwii xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta AMISOM ee Xalane saraakiisha ciidamada Midowga Afrika iyagoo kala hadlay sidii loogu ogolaan lahaa inay ku shiraan xarunta golaha shacabka oo wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda KMG ah ay horay u joojisay.

Xildhibaanada la shiray AMISOM oo tiradoodu ahayd 10-xubnood ayaa waxay wakiil ka ahaayeen xubnihii xil ka qaadista sameeyay, waxayna sheegeen in AMISOM ay u sheegtay inaysan horjoogsanayn kulammo ay ku yeeshaan xaruntooda Muqdisho.

"Saraakiisha AMISOM waxay yiraahdeen - innagu uma diidi karno xildhibaannada inay ku shiraan xaruntooda golaha shacabka - waadna ku shiri kartaan," ayay tiri xildhibaanad Aamino Cumar Jaamac oo ka mid ah guddi loo saaray inay soo diyaariyaan doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Kulankan dhexmaray AMISOM iyo xildhibaannada oo qaatay dhowr saacadood ayay xildhibaannadu ku sheegeen inay kasoo baxday natiijo wanaagsan, iyagoo dhanka kale ugu baaqay DKMG ah inaysan hor-istaag ku sameyn kulan ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka.

Dhanka kale, guddiga doorashadu waxay sheegeen inay doorashada guddoomiyaha baarlamaanku dhici doonto labada bisha Janaayo ee sannadka cusub ee dhalanaya toddobaadka soo socda, iyagoo xusay in maalinta koowaad ee Jannaayo ay soo af-jarayaan qabashada codsiyada iyo araajida murashaxiinta.

Lama oga sida ay doorasho u dhici karto, iyadoo laga yaabo in madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya uu go'aan cad ka qaato labada maalmood ee soo socda muranka u dhexeeya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu isku dayay inuu xalliyo balse uu ku guul-darreystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya